Sida uu shaaciyay xafiiska Ganacsiga DDS, Xafiiska oo ka duulaysa ilaalinta iyo maareynta sicirka suuqa xiliga kala guurka dhaqaale ee dalku galay ayaa howl-galiyay gudiyo maareya sicirka suuqa kuwaaso talaabo sharci ah ka qaaday ganacsatadii kordhiyay sicirka suuqa
Xafiiska Ganacsiga deegaanka ayaa xusay inaay ka talaabo qaadeen ganacsato sifo sharci daro ah ukordisay maciishada, iyo qaar Raashiinkii aay iibinayeen ku keydsaday bakhaaro sabab la’aan.
Xafiiska ayaa sheegay in lasii xoojin doono talaabooyinka ka dhanka ah Ganacsiga sharcidarada ah, wuxuuna ku booriyay ganacsatada deegaanku inaay ka waantooban ficilada noocaa ah, wuxuuna ugu baaqaya ganacdasatu inay ilaaliyan shuruucda Ganacsiga una naxariistan bulshada danyarta ah.