Xoogaga Ciraaq oo weerar khasaare dhaliyay ka gaystay Dekedda Eilat.

Xoogaga wax iska caabinta Ciraaq (IRI) ee Iran taageerto ayaa caawa sheegtay masuuliyadda weerar diyaarado drones ah loo adeegsaday oo lagu qaaday Magaalada Eilat ee ay Israel horey uga qabsatay Falastiiniyiinta.

Xoogaga IRI oo qayb ka ah kooxaha Islaamiyiinta ee Iran bari-taarto ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in weerarkan ay ku garab taagan yihiin shacabka Falastiin iyo Lubnaan ee la kulmaya weerarada Ciidamada Israel.

“Waxaan maanta weerarnay bartilmaameed muhiim ah oo ku yaala Magaalada Umm Al-Rashrash (Eilat) ee la haysto, iyada oo la adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay “Waxaan sii wadaynaa hawlgalada aan ku garab taaganahay walaalahayaga Falastiin iyo Lubnaan, waxaana diyaar u nahay inaan ka jawaabno xasuuqa ay ciidamada gumeystaha ku hayaan dadka rayidka ah ee leh carruurta, haweenka iyo dadka da’da ah.”

Afhayeenka Ciidamada Israel, Daniel Hagari ayaa xaqiijiyay in laba ka mid ah drones-ka is qarxiya lagu soo weeraray magaalada, isagoona sheegay in mid ka mid ah la qabtay, kan labaadna uu ku dhacay Dekedda Eilat.

“Seeriga digniinaha ayaa laga maqlay Eilat, ka dib markii ay gudaha u soo galeen laba diyaaradood oo drones ah. Markab ay Ciidanka Badda Israel leeyihiin ayaa mid ka mid ah qabtay, halka kii labaadna uu ku dhacay Dekedda Eilat. Dhaawac fudud ayaa ka dhashay weerarka.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa qoray in diyaaradda labaad ay ku qaraxday Dekedda Eilat, ka dib markii nidaamka difaaca hawada ee Israel uu ku guuldareystay inuu ka hortago. Wargeyska ayaa ku waramay in laba qof oo Israeliyiin ah ay ku dhaawacmeen weerarka.

Afhayeenka Ciidamada Israel ma xaqiijin cidda ka dambeysay weerarka, waxaase uu sheegay in baaritaan uu socdo.

Isagoo Wariyeyaasha la hadlayay, waxna laga weydiiyay in weerarka lagaga soo qaaday dhinaca dalka Ciraaq iyo inay weerar ku qaadayaan dalkaasi ayuu ku jawaabay “Waxaan la soconaa khatarta Ciraaq, waxaanu eegaynaa inta aanu ku guda jirno qiimeynta xaaladda iyo xog uruurinta. Waxaan samayn doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah, si aanu wax uga qabano xaaladda.”

Weerarka Arbacadan lagu qaaday Dekedda Eilat ayaa yimid, ka dib markii Ururka Kataib Hezbollah oo kan ugu weyn Ciraaq ah uu kooxaha kale ee dalkaasi ugu baaqay in la kordhiyo weerarada ka dhanka ah Israel.

Ururka Kataib Hezbollah ee Ciraaq ayaa daba-yaaqadii bishii October bilaabay inay weeraraan saldhigyada ay Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalkaasi, iyadoo laga jawaabayo taageerada militari iyo midda maaliyadeed ee Mareykanka uu siiyo Israel.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa marar badan gantaalo iyo diyaarado drones ah ku weeraray magaaladan, oo horey loo oran jiray Umm Al-Rashrāsh, balse ay Israel ugu magac-dartay Eilat, taas oo ka mid ah magaalooyinka laga xoogay Falastiin ee Israeliyiinta la soo dejiyay.

Colaaddan ugu dambeysay ee ka dhex qaraxday Israel iyo Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa la qiyaasaya inay ka saamayn badnaan doonto dagaalka Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xamaas ku dhex maraya Marinka Gaza.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *