Xildhibaano qiyaano qaran ku eedeeyey Madaxweynaha DG Koonfur Galbeed.

Qaar kamid ah Xildhibaanada BFS ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo si adag uga hadlay abaabulkii bulsho ee Jimcihii ka dhacay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaas oo banaanbax loogu hiiliyey Itoobiya uu ka dhacay.

Xildhibaanada oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa eedeymo xasaasi ah u jeediyey Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, iyagoo soo jeediyey in lagula xisaabtamo qaladka uu ka gelayo qaranimada Soomaaliya.

Xildhibaanada ka soo jeeda K/Galbeed ayaa sheegay inay ka naxeen wixii ka dhacay degmada Xudur oo gef ku ahaa qaranimada Soomaaliya, iyagoo Laftagareen ku eedeeyey inuu soo abaabulay dadkii dhigay banaanbaxa.

“Shacabka u banaanbaxay Itoobiya ee Xudur ku nool waxay ku jiraan go’doon adag oo Khawaarijtu ay gelisay, waxaana talaabadaas ku qasbeysa cabsida ay qabaan, taasna waxaa u sabab ah joogitaanka sharci darrada ah ee Laftagareen,” ayuu yiri Xildhibaan Balaag oo akhriyey bayaanka.

Wuxuu sheegay in Laftagareen uusan ogoleyn in Khawaarijta laga xoreeyo K/Galbeed, taasi oo deegaanada Koonfur Galbeed ka dhigtay meel uusan ka socon dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

“Taliska ciidanka xoogga dalka wuxuu diyaariyey ciidan ka badan labo guuto iyo saldhig weyn oo ciidanka Danab looga dhisi lahaa Koonfur Galbeed, balse waxaa si cad u hor istaagay qorshahaas madaxweynaha deegaanka Cabdicasiis Laftagareen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Balaag.

Xildhibaanada ayaa warkooda ku sheegay in Soomaaliya ay tahay dal madax-banaan oo heshiis la geli kara cid kasta, “Dowladda Itoobiya marnaba xaq uma laha inay ku soo xadgudubto Soomaaliya, waxaana masuul ka ah ilaalinta qaranimada Soomaaliya xukuumadda federaalka Soomaaliya.”

Sidoo kale xildhibaanada ayaa war-saxaafadeed kooda ku yiri “Joogitaankiisa sharci darrada ah ee Laftagareen wuxuu uga faa’iideystay inuu galo qiyaano qaran, wuxuuna khatar ku yahay jiritaanka Soomaaliya iyo xasiloonida deeganaada Koonfur Galbeed, waxaan dowladda dhexe xusuusineynaa in Laftagareen uu galay qiyaano qaran oo mudan in lagula xisaabtamo.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *