Xiisadda guriga hooyooyinka oo ka dartay kadib tallaabo uu qaaday R/W Xamza.

Xiisadda ka taagan guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho ayaa kasii dartay, taas oo u dhexeyso xukuumadda iyo ururka haweenka qaranka oo isku haysto dhismaha gurigaas oo ku yaalla agagaarka xeyndaabka madaxtooyada.

Xiisadda ayaa waxaa dab kusii shiday ra’iisul wasaare Xamza, kadib tallaabo uu shalay qaaday, isaga oo mar kale ku celiyay in haweenka ay isaga baxaan gurigaas oo uu tilmaamay inay leedahay wasaaradda haweenka, looguna shaqeynayo qaranka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in ay jiraan gabdho weli isku dhajinayo guriga hooyooyinka, balse ay siinayaan fursad kale oo dheeri ah, si ay uga guuraan dhismaha.

“Gabadhaha waa ay isku dhajiyeen guriga hooyooyinka, annaga waxaan diidnay inay booliska jiid jiidaan ,guriga haka baxaan” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxaa kale oo uu yiri “Xaruntii wayneyd ee hooyooyinka la oran jiray waxaan rajeynayaa inay ku shaqeyso wasaaraddu iyadaa iska leh inay ku shaqeyso ayaana la rabaa”.

Dhanka kale, guddoomiyaha ururka haweenka qaranka, Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo shir jaraa’id qabatay ayaa u jawaabtay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxayna ka hortimid amarka uu bixiyay, iyada oo sheegtay in aanay ka guuri doonin dhismahan oo ay tilmaamtay inay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed.

“Waxba nooma dhexeeyaan ra’iisul wasaare daris ayaa nahay gurigaaga waa naga sii jeedaa annaga dhinaca kale ayaan ka daganahay noo soo lugey ee kaalay na jiid oo naga saar guriga haweenka kama aadan xishooninee” ayay tiri Batuulo Axmed Gaballe.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waxaan ka xumahay aniga oo xor ah oo Soomaali ah oo hooyo Soomaaliyeed ah in maanta ra’iisul wasaarihii qaranka nagala cel-celinaayo oo uu leeyahay haweenka soo jiida, waa nasiib darro aad u wayn”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *