Weerar ka dhacay degmada Beled-Xaawo iyo khasaaro ka dhashay.

Wararka naga soo gaaraya degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qarax ka dhacay Saldhiga Ciidanka Booliska degmadaas.

Qaraxa oo wararka la helayo ay sheegayaan in uu aha Bam Gacmeed lagu weeraray Saldhiga ayaa waxaa ku geeriyooday hal Ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen, sida ay Dulsar TV u sheegeen dad goobhoogayaal ah.

Qaraxa kadib Ciidamada Booliska Saldhiga degmada Beled-Xaawo ayaa waxaa ay fureen rasaas farabadan wallow aan weli la sheegin inay khasaaro kasoo gaareen Dadka Shacabka ah ee degmada Guryaha u dhow Saldhiga.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Booliska degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ay sidoo kale sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaasi bambaano.

Laamaha Amniga iyo Mamulka degmada Beled-Xaawo ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin Bamka lagu weeraray Saldhiga Booliska degmadaas, hayeeshee ay sheegeen inay dib ka faah faahin doonaan.

Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan Gobolkaas, waxaana gacanta ku haaya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwo katirsan Maamulka Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *