Wararkii ugu dambeeyay dagaal xalay ka dhacay degmada mahadaay sh dhexe.

warka

Inta la xaqiijiyay 2ruux ayaa ku dhimatay kadib dagaal mudo kooban socday kaas oo xalay ka dhacay degmada mahadaay ee gobolka sh dhexe.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay labo ciidan kuwaas oo ku sugnaa gudaha degmada sida loo maleynaayo ciidanka ayaa la sheegayaa  iney kala shakiyeen.

Balse goor dambe waxaa soo kala dhexgalay ciidamo kale oo ka tirsanaa maamulka degmada kuwaas oo kala dhexgalay.

Ma cadda qasaaraha kala gaaray ciidanka balse dadka ku geeriyooday israsaaseynta ayaa la  xaqiijiyay shacab inay ahaayeen.

Weli kama aaney hadlin maamulka degmada iyo kuwa hirshabelaba israsaaseynta gudaha degmadaasi ka dhacday habeennimadii xalay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *