Wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib uga billaabanaya Ankara.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa shaaciyey in Itoobiya ay si rasmi ah uga codsan doonto Soomaaliya helida deked kadib markii la xaliyo khilaafka u dhaxeeya oo sabab u ahaa heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Itoobiya ay aqoonsan doonto Madax bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taasoo ka dhigan in Itoobiya ay ka laabatay heshiiskii is-afgaradka ahaa oo ay la gashay Somaliland.

Hadalka Wasiirka Arrimaha dibada ee Turkiga oo todobaadki hore safar ku tagay Addis Ababa ayaa muujinaya horumaro laga sameeyay dhex dhexaadinta uu Turkigu ka dhex wado Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo la filayo in todobaadka soo socda ay dib u bilowdaan wajiga labaad ee wada hadalka labada dhinac ee gogoshiisu fidsan tahay Ankara.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa isha ku haya tallaabada ay qaadi doonto Soomaaliya markii ay itoobiya ka codsato in la siiyo qeyb kamid ah Badda Soomaaliya, iyada oo Shacabku ay ku garab istaageen Madaxda dowladda markii ay kasoo horjeesteen heshiiskii Badda ee dhex-maray Itoobiya iyo Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *