Sanadkii 2018kii ilaa april 2019 itoobiya waxaa wasiir gaashaandhig ka ahaa Caa’isha Maxamed.
Caaisha waa gabar muslimad ah kana soo jeeda qowmiyadda canfarta ee dalka itoobiya asalkeeduna waa jabuuti,
Mar labaad Ra’isul Wasaare dalka itoobiya Abiy Axmed ayaa u magacaabay Caa’isha Maxamed Muuse oo 54 jir inay noqoto wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Itoobiya,
Waxaana laga soo wareejiyay wasaaradii Waraabka oo ay heysay.
Wasiirkii gaashaandhigga dalka itoobiya, Abraham Belay ayaa laga wareejiyay wasaaradaasi,
Waxaana loo magacaabay in uu noqdo wasiirka cusub ee Wasaaradda Waraabka iyo Horumarinta deegaannada qalalan.
Wasiirka cusub ee gaashaandhigga itoobiya ayaa sidoo kale horay u soo noqotay wasiirka dhismaha iyo horumarinta iyo wasaaraddii hadda laga bedelay ee waraabka.