Taliyayaasha Saldhigyada Boliiska Gobolka Banaadir Maxay kawada hadleen.

warka

Waxaa magaalada muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay Taliyaha Qeybta Guud Ee Boliiska Gobolka Banaadir G/sare Mahdi  Cumar Muumin iyo Dhamaan  Taliyayaasha Saldhigyada Boliiska Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha  fadhiyada Gaarka ah ee Boliiska  Gobolka Banaadir.

Kulankan waxaa sidoo kale goob Joog ka ahaa Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed G/le Cabdifataax Aadan Xasan , Taliye Xigeenka 2.aad ee Qeybta Guud ee Boliiska G.banaadir  G/le Shuceyb Cabdi Maxamed.

Shirkaan oo ahaa mid looga arinsanayay Xoojinta amniga caasimadda iyo La dagaalanka Kooxaha falal Amniga lidka ku ah ka sameeyo magaalada  caasimada ah .

G/sare Mahdi Cumar Muumin Taliyaha Q/Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa  Bogaadiyey Howl-Galadii Guuleystey oo ay sameeyeen Dhamaan Saldhigyada Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir  Howl Galadaas oo ay ugu Horeeyaan  Ladagaalanka Kooxaha Faafiya ama Abuuro  Colaada ,kala geynta Bulshada  iyo Anshax Xumada  Dhaqanka Suuban ee Soomaaliyeed  .

Taliyaha Ayaa Kula dardaarmay  Dhamaan Saraakisha inay  la Dagaalamaan wax kasta oo Bulshada dhaqankeeda iyo  Wadajirkeeda dhibaata ku ah  Talaabana ka qaadaan cid kasta oo lug ku yeelata Arimahaas.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay booliiska gobolka banaadir ayaa xoogga saaray la dagaalanka kooxaha sameeya falalka lidiga ku ah amniga iyo badqabka bulshada gobolka banaadir. Sidaas si lamid ahna waxay booliisku beegsanayeen dadka baraha bulshadda ku faafiya waxyaabaha anshax xumida ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *