Taliyaha cusub ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Hawlgalka ATMIS, General Sam Kavuma ayaa gaaray Magaalada Muqdisho.
Taliyaha oo u dhashay dalka Uganda ayaa bedelaya Taliyihii hore ee ATMIS, General Sam Okiding, kaas oo isagana muwaadin Ugandhees ah.
Taliyihii hore ee ATMIS ayaa shaqada ka tegay horaantii bishii April, ka dib markii loo magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Uganda, waxaana billihii ugu dambeeyay shaqada Hawlgalka ATMIS sii waday Taliye Kuxigeenka ATMIS, General Marius Ngendabanka.
Taliyaha cusub ayaa salaan sharaf cutubyo ka tirsan Ciidanka ATMIS kaga qaatay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho. Xerada Xalane waa taliska ugu weyn ee ay ATMIS ku leedahay dalka.
General Sam Kavuma ayaa noqonaya Taliyihii 3aad ee ay ATMIS yeelato, muddadii 27-ka bilood ah ee ay jirtay.
ATMIS oo la aasaasay 1-dii bishii April ee sanadkii 2022 ayaa bedelay Hawlgalkii AMISOM, iyadoona waqtiga ATMIS ee dalku uu ku egyahay 31-ka bisha December ee sanadkan.
Dowladda Soomaaliyeed iyo Midowga Afrika ayaa hadda iska kaashanaya in dalka loo soo diro ciidan cusub oo ku-meel-gaar ah oo bedelaya Hawlgalka ATMIS.
Hawlgalka cusub oo aan weli magac loo bixin ayaa noqonaya kiisii saddexaad ee nabad ilaalin ah ee Modowga Afrika oo ka hawlgala dalka.
Ciidanka Midowga Afrika ayaa Dowladda Federaalka ka taageera howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.