Saxafiyad caan ahayd oo lagu dilay duqayn ay Israel ka gaysatay Dimishiq.

Ciidanka Cirka Israel ayaa goor dambe oo xalay ahayd duqaymo ka gaystay Magaalada Dimishiq, iyadoo ay tiro dad ah ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Warbaahinta Dowladda Suuriya ayaa sheegtay in diyaaradaha Israel ay weerar ka soo qaadeen dhinaca Buuraleyda Golan ee Suuriya laga haysto, isla-markaana ay bartilmaameedsadeen dhowr goobood oo ku yaala Caasimadda Dimishiq.

Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa ku warantay in weerarka ay ku dhinteen saddex qof oo rayid ah, sagaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Muuqaalo lagu baahiyay barraha bulshada ayaa muujinaya diyaarad dagaal oo gantaal ku dhufatay gaari marayay mid ka mid ah waddooyinka magaalada.

Safaa Ahmed oo ahayd Saxafiyad si weyn looga yaqaanay dalkaasi iyo laba qof oo kale oo la socday ayaa goobta lagu dilay.

Safaa Ahmed ayaa barnaamij soo saare ka ahayd Telefishinka Suuriya, mana cadda ujeedadii ka dambeysay in ay bartilmaameed noqoto.

Maamulka Raadiyaha iyo Telefishinka Suuriya ayaa xaqiijiyay inay shahiidday Safaa Ahmed, ka dib markii Israel ay ku soo xadgudubtay bay qoraal ku sheegeen Magaalada Dimishiq.

Taliska Militariga Israel ayaa diiday in ay wax faallo ah ka bixiyaan weerarka lagu dilay gabadhaasi iyo dadkii kale ee la socday.

Weerarka ayaa imanaya, iyadoo aad mooddo in rabshadaha gobolka ay aad u sii kordhayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *