Safiirka Isra’il ee QM Danny Danon “Ma doonayno inaan wiilasheenna u dirno Lubnaan”.

Safiirka Israel ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dalkiisu aanu dooneyn inuu dalka Lubnaan u diro ciidamo ka dagaalama, balse ay adeegsan doonaan habab kale, si Israeliyiinta barakaca uga maqan deegaanada waqooyiga Israel ee ku yaala xadka Lubnaan dib loogu soo celiyo guryahooda.

“Ma daneynayno inaan bilowno duulaan kasta oo dhulka ah meel kasta. Ma doonayo inaan wiilkayga diro, mana rabno inaan wiilasheenna u dirno inay ka dagaalamaan waddan shisheeye, laakiin waxaa naga go’an inaan ilaalino shacabka Israel.” Ayuu yiri Amb. Danny Danon

Safiirka oo Wariyeyaasha kula hadlay Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York ayaa sheegay in Israel ay door bideyso xal diblomaasiyadeed, si loo soo afjaro colaadda kala dhaxeysa Ururka Xisbullah ee Lubnaan.

“Israel waxay isticmaaleysaa habab kale, si shacabkeennii qaxay ay guryahooda ugu soo laabtaan.” Ayuu yiri Safiirku.

Safiirka ayaa yiri “Sida keliya ee colaadda lagu soo afjari karo waxay tahay, iyadoo Xisbullah ay ka fogaato xuduudkayaga.”

Danny Danon, Safiirka Israel ee Qaramada Midoobey ayaa dhanka kale dhalleeceeyay eedeymaha Israel uga imanaya madaxda caalamka ee ku aaddan in ay gacan xad dhaaf ah u adeegsaneyso dadka rayidka ah.

Danon ayaa wax laga xishoodo ku tilmaamay in Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu la barbardhigo Adolf Hitler.

Madaxweyne Erdogan oo gelinkii dambe ee Talaadadii khudbad ka jeedinayay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in Netanyahu iyo Hitler ay ka mideysan yihiin naxariis darrada.

Si kastaba ha-ahaatee dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xisbullah ayaa maanta galay maalintii saddexaad, iyadoo Ciidanka Cirka Israel ay garaacayaan koonfurta Lubnaan, halka Xisbullah ay weerar ku hayso waqooyiga Israel. Xisbullah ayaa maanta gantaalkii ugu horreyay oo nooca ballaastikada ah ku weerartay Magaalada Tel Aviv ee bartamaha Israel, walow ay Militariga Israel sheegeen inay ka hortaggeen gantaalkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *