QARAMADA MIDOOBAY OO DIGNIIN HORLEH KASOO SAARTAY WEERARO KA DHACA MUQDISHO.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa mar lale ku celiyay digniinta weeraro horleh oo laga cabsi qabo inay kooxda Al-Shabaab ka gaysan karto gudaha gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay heshay digniin cusub oo ku aadan in magaalada Muqdisho ay ku jiraan gawaari ay ka buuxaan walxaha qarxa, isla markaana la qorsheyneynayo in lagu fuliyo weeraro cusub.

Digniintan kasoo baxday xafiiska QM ee Soomaaiiya ayaa waxaa lagu sheegay in meelaha la bartimaameedsan karo ay ku jiraan baraha koontarool ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, hoteellada ku yaalla caasimada, baraha koontarool ee KM4, waddada Maka Al-mukarama, gaar ahaan Dabka  iyo xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Todobaadyo kahor ayay ahayd markii weerar xoogan oo lagu hoobtay ay Al-Shabaab ka fuliyeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu laayay dad badan oo shacab ah, una badnaa dhalinyaro ku caweynayay halkaasi.

Waxaa sidoo kale ka horreeyay weerar kale oo lagu beegsaday maqaayadda Top Cofee ee degmada Boondheere, halkaas oo iyana lagu laayay dad badan oo aan waxba galabsan.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan gashay xaalad adag, kadib markii ay Al-Shabaab kordhiyeen weerarada tooska iyo qaraxyada ay ka fuliyaan gudaha caasimada, iyaga oo beegsada goobo muhiim ah iyo xarumaha dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *