War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu cambaareeyay weerarrada ka dhanka ah Dadka rayidka ah ee Jamhuuriyadda Suudaan, duqeyntii ugu dambeysay ee ka dhacday Magaalada umdorman lagu dilay in ka badan 60 ruux halka lagu dhaawacay 150 kale.
Isuduwaha dhinaca bani aadamnimada Qaramada Midoobay ee Suudaan Clementine Nkweta-Salami ayaa cambaareysay weerarkaas galaaftay nolosha Dad badan oo rayid ah oo bartilmaameed u noqday colaadda ka jirta Dalkaas.
Waxa ay wax laga xumaado ku tilmaamtay sida aan mas’uuliyadda ku dheehnayn ee dhinacyada aadka u hubeysan ee Suudaan ugu dul dagaalamayaan Dadka rayidka ah oo waxyeellada ugu badan kasoo gaareyso colaaddaas.
“Weerarrada halista badan ee ka socda Suudaan waxa ay ka hor imaanayaan xeerarka Caalamiga ah iyo kan dalkaas, waa in la helaa mas’uuliyad dhab ah oo isla xisaabtan ku dheehan tahay si loo badbaadiyo Dadka aanay waxba geysan ama colaadda kamid ahayd ee u nugul dhibaatooyinkaas” Clementine Nkweta-Salami.
Dagaalka ka dhex qarxay Ciidamada Jamhuuriyadda Suudaan iyo kooxda gurmadka degdega ah ee RSF Abriil 2023 ayaa galaaftay nolosha dad badan, burbur xooggan ayaa soo gaaray Magaalooyin ay kamid tahay Caasimadda iyada oo ilaa haatan aanay jirin dedaal nabadeed oo socda.
Qaramada Midoobay “Beegsiga ka dhanka ah Dadka Rayidka ah ee Suudaan waa wax aan loo dulqaadan karin”
