Booliska dalka Sweden ayaa xaqiijiyay in la dilay ninkii ku caan baxay gubista Qur’aanka Kariimka ah, kaasoo caro weyn ka dhaliyay dunida Islaamka. Ninkan oo kasoo jeeda Masiixiyiinta dalka Ciraaq, laguna magacaabo Salwan Mumika ayaa sanadkii 2023 ilaa 4 jeer dab qabadsiiyay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, iyadoo ay ilaalinayaan ciidamada Booliska Sweden. Meelaha uu Kitaabka ku gubay waxaa ka mida Masjidka weyn ee Caasimadda Sweden iyo qaar ka mida safaaradaha dowlado muslim ah, taasoo dhalisay bannaanbaxyo waaweyn oo dunida muslimka kadhacay iyo in la gubo safaaradda Sweden. Booliska dalka Sweden ayaa shaaciyay in Nin hubeysan uu galay Guriga Salwan Mumika, oo ku yaalla Xaafadda Sodertalje ee duleedka magaalada Stockholm, dalka Sweden, halkaasina uu ku dhex toogtay. Xilliga dilkiisu dhacay ayaa la sheegay inuu duubayay muuqaal Tiktok ah, waxaana dilkiisa loo qabtay 5 qof oo baaris lagu hayo. Ninkan oo 38 sano jir ahaa ayaa u dhintay dhowr rasaas oo xabadka iyo qaarka sare ee jirkiisa looga dhuftay, sida uu sheegay booliska Sweden, waxaana loogu tegay guriga iyadoo ay naftu ka baxday oo meyd ah. Salwan Mumika ayaa hore maxkamad loo soo taagay, iyadoo lagu eedeeyay inuu abuuray nacayb ka dhan ah dadka Muslimka, waxaana isaga iyo nin kale oo saaxiib la ah ay la filayey inay berri oo Jimco ah kasoo muuqdaan maxkamad. Bishii March ee sanadkii hore ayuu ninkan ka dhoofay dalka Sweden, isagoo magangalyo weydiistay dalka Norway, balse laga diiday. Taasoo keentay inuu dib ugu laabto Sweden oo laga siiyay sharci cusub, iyadoo sabab looga dhigay inuu halis ku gelayo dalkiisa Ciraaq, haddii lagu celiyo. Turkiga, Ciraaq, Iiraan iyo Dalalka kale ee islaamka ah ayaa culeys saaray Dowladaha Sweden iyo Denmark si loo joojiyo aflagaadada iyo gubista Qur’aanka kariimka, taasoo dhalisay in sharciyo cusub la soo saaro. Danmark ayaa ansixisay sharci ciqaabaya in la gubo Qur’aanka kariimka ah, halka July 2023, golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu si aqlabiyad ah u meel mariyay qaraar qabyo ah oo ay soo gudbisay Marooko kaasoo amraya tixgelinta Diimaha. Sida uu ku dambeeyay Masiixigii reer Ciraaq ee Salwan Mumika waxay caddeyn u tahay in dadka u gefa diinta iyo Kitaabka Quraanka ee kariimka ah aysan ku baadbadi karin goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan.