Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiriir dhanka khadka taleefoonka ah la sameeyey Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, ayaga oo ka wada-hadlay arrimo ku aadan horumarinta xiriirka labada waddan.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale wada-hadalkooda ku soo qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee diblumaasiyadda iyo arrimaha gobolka ee geeska Afrika.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadka taleefoonka wadahadal miro dhal ah kula qaatay Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, waxayna labada masuul diiradda saareen xoojinta iskaashiga labada dal”.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiir Tamiim ayaa isla gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya, kuwaas oo lagu tageerayo dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliya.
Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, kaas oo sii xoogeystay kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee 15-kii May ee 2022.
Wadahadallada dhex-maray Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay dowladda federaalka ay wadday dadaallo ay ku hormarineyso siyaasaddeeda arrimaha dibadda, gaar ahaan xoojinta dhanka diblumaasiyadda.
Si kastaba, xiriirka labada dal ayaa weli ah mid aad u sarreeya, waxaana haatan Qatar mashaariicyo waa wayn ay ka fulisaa gudaha dalka, sida dhismayaasha waddooyinka.