Mareykanka oo sheegay in danta Israel aysan ku jirin dagaalka Xisbullah.

 Afhayeenka Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby ayaa sheegay inaysan danta Israel ku jirin dagaal ay haatan la gasho Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.

Afhayeenka oo wareysi siiyay Warbaahinta ABC ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay ku howlan tahay, sidii loo baajin lahaa dagaal dhinac kastaba leh oo ka qarxa Bariga Dhexe.

Afhayeenka ayaa muujiyay in Dowladda Mareykanka ay ka soo horjeeddo isku dhac ballaaran oo gobolka ah, iyadoo ay sii xoogeysanayso xiisadda ka dhalatay colaadda Gaza.

Israel ayaa ku hanjabtay inay cudud militari u adeegsan doonto, sidii ay dib ugu soo celin lahayd Israeliyiinta barakaca uga maqan waqooyiga Israel, hanjabaadaas oo kordhisay xiisadda muddooyinkii ugu dambeysay ka jirtay xuduudda Israel iyo Lubnaan. Xisbullah waxay sheegtay inaysan joojin doonin weerarada ka dhanka ah Israel, inta ay Israel sii waddo weeraradeeda Marinka Gaza.

John Kirby ayaa tilmaamay in Maamulka Madaxweyne Joe Biden uu sameynayo wax kasta oo isku day ah, si aan uga hortagno buu yiri in tani ay noqoto dagaal dhan walba ah oo halkaasi lagu la galo Xisbullah, kana gudba xadka Lubnaan.

Afhayeenka ayaa sheegaya in ay jiraan habab aan ahayn hawlgal militari, oo horseedi kara in si nabdoon dadka Israeliyiinta ah loogu soo celiyo guryahooda.

Waxa uu sheegay in wada-xaajoodka diblomaasiyadeed uu yahay kan ugu wanaagsan ee lagu dhameen karo xiisadda Israel kala dhaxeysa Xisbullah.

“Waxaan aaminsanahay inay jiraan habab ka wanaagsan dagaal oo lagu isku dayo, si muwaadiniinta Israel dib loogu soo celiyo guryahooda waqooyiga iyo in kuwa halkaas jooga, si ammaan ah loo ilaaliyo, marka loo eego sii kicinta, ka dibna furin labaad laga furo halkaasi.” Ayuu yiri John Kirby.

John Kirby ayaa yiri “Kordhinta militari kuma jirto danta ugu wanaagsan ee Israel. Mareykanka wuxuu rumeysan yahay in xalka diblomaasiyadeed uu weli yahay mid suurtagal ah.”

Inkastoo uu Mareykanku yahay xulafada ugu weyn ee Israel, haddana ma cadda, sida uu u xakameyn karo Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Netanyahu ayaa la aaminsan yahay in Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan xukuumaddiisa ay ku riixayaan dagaalka Ururka Xisbullah.

Diblomaasiyiinta shisheeye ee ku sugan gobolka ayaa ku andacoonaya in xabad joojin laga sameeyaa Gaza oo keliya ay keeni karto in xiisadda la dejiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *