Mareykanka oo Masar ugu hanjabay xiisadda Itoobiya si ay u fuliso qorshe xasaasi ah

Mareykanka ayaa la sheegay inuu u adeegsaday xiisadda biyaha Masar si uu cadaadis ugu saaro Qaahira inay ogolaato qorshaha barakicinta khasabka ah ee Falastiiniyiinta Gaza, sida uu werinayo wrageyska Al-Arabi Al-Jadeed.
Intii lagu guda jiray booqasho uu toddobaadkii hore ku tagay Qaahira, sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Trump ayaa kulamo gooni-gooni ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badar Abdelatty iyo Madaxa Sirdoonka Guud Hassan Rashad. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray qorshaha muranka badan dhaliyay ee barakicinta dadka reer Gaza iyo xiisadda ka taagan biyo-xireenka Grand Renaissance ee Itoobiya.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in danjiraha Mareykanka uu soo jeediyay in taageerada Mareykanka ee xallinta xiisadda biyo-xireenka Itoobiya ay ku xirnaan karto sida ay Masar uga shaqeyso qorshaha lagu barakicinayo shacabka Gaza, looguna wareejinayo gudaha Masar iyo Urdun.
Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Masar ayaa si adag u diiday soo jeedinta Madaxweyne Donald Trump, oo ku baaqay in Gaza la “nadiifiyo” isla markaana dadka halkaas ku haray oo tiradoodu gaareyso 2.3 milyan lagu wareejiyo dalalka deriska la ah.
Mas’uuliyiinta Masar ayaa walaac xoogan ka muujiyay qorshaha, iyagoo ka digay caqabadaha iyo cawaaqibka ka dhalan kara, kuna adkeystay in hirgelintiisu ay aad u adag tahay.
Danjiraha Mareykanka ayaa sidoo kale la kulmay shakhsiyaad caan ah iyo laba hoggaamiye xisbi oo siyaasadeed si uu u qiimeeyo mowqifka Masar ee ku aaddan qorshaha barakicinta. Wadahadallada ayaa lagu gorfeeyay in dibadbaxyada ka dhan ah qorshahan ay ka tarjumayaan dareen ballaaran oo ka dhan ah Mareykanka, ama haddii ay si gaar ah ula xiriiraan diidmada qorshaha barakicinta.
Sida laga soo xigtay Al-Arabi Al-Jadeed, danjiraha Mareykanka ayaa si furan uga hadlay bannaanbaxyada, isagoo sheegay in ay si toos ah uga falcelinayeen qorshaha ay wadaan Mareykanka.
Sarkaal sare oo ka tirsan diblomaasiyadda Masar oo xog ogaal u ah kulammadaasi ayaa sheegay in ay adkaan doonto in Qaahira iska caabiso qorshaha Trump haddii aysan helin taageero ballaaran oo ka timaadda dalalka Carabta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *