Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris oo wada taageeray Dimoqraadiyiinta.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris, ayaa Isniinti shalay si degdeg ah u dhaqaajisay tallaabooyinka ugu horreeya ee ololaheeda doorashada, si ay u caddeyso in ay tahay musharaxa ugu cadcad musharaxnimada xilka madaxweynenimada ee xisbiga Dimuqraadiga.

Harris, ayaa shalay oo kaliyah ururisay tobanaan milyan oo doolar oo ay ugu yabooheen deeq-bixiyaasha dimoqraadiga, iyada oo taageero ballaaranna ka heshay madaxda ugu sarreeya xisbiga Dimoqraadiga.

Maanta oo Talaada ah ayaana lagu wadaa in ay si rassmi ah olalaheeda doorashada uga billowdo magaalada Miluaki ee gobolka Wisconsin.

Haddaba, sida ay ku billowday olalaheeda iyo taageerada ay heshay, ayaan ka wareystay Maxamuud Muse Xasan oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Mareykanka, kana mid ah hogaamiyaasha bulshada Soomaalida ee gobolka Minnesota.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *