Madaxweynaha Faransiiska oo dhalleeceeyay diidmada Israel ee xabad joojinta Lubnaan.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa dhalleeceeyay diidmada ay Israel kala hortimid qorshaha ay iyaga iyo Mareykanka ugu gogol xaarayaan in muddo 21 cisho ah xabad joojin lagaga sameeyo xudududa Israel iyo Lubnaan.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa walaac ka muujiyay tallaabada ay Israel ku qaadacday in fursad la siiyo dadaalada caalamiga ah, ee ah in wada-xaajood lagu soo afjaro xiisadda labada dal.

Madaxweynaha oo booqasho ku jooga dalka Canada ayaa sheegay in iyadoo Canada iyo dalal kale ay kala shaqeynayaan, sidii looga baaqsan lahaa isku dhac ballaaran ay Israel diidan tahay inay taasi dhacdo.

Waxa uu sheegay in dhacyada dalka Lubnaan ay soo dhaweeyeen hindisaha xabad joojinta ku-meel-gaarka ah, balse aysan Israel soo dhaweyn.

“Xisbullah waxay muujisay inay diyaar u tahay xabad joojinta. Hadda qof kasta wuxuu sugayaa Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.” Ayuu yiri Madaxweynaha Faransiiska oo wareysi siiyay Warbaahinta CBC ee Canada.

Madaxweyne Macron ayaa Mareykanka ugu baaqay inuu Israel ku cadaadiyo in ay aqbasho hindisaha xabad joojinta iyo in colaadda labada dal lagu dhameeyo miiska wada hadalka.

Washington iyo Paris ayaa Arbacadii soo jeediyay qorshe muddo 21 cisho ah lagu hakinayo colaadda, si loo sameeyo wada-xaajood horseedaya in la gaaro heshiis nabadeed, iyadoo shacabkii labada dhinac ee barakacayna ay si nabdoon ugu soo laabanayaan guryahooda.

Emmanuel Macron, Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in weerar dhinaca dhulka oo Israel ku qaaddo dalkaasi uu noqon doono khalad aad u weyn.

“Waxaan aaminsanahay in aan weli haysano saacado yar oo Raysal Wasaare Netanyahu uu ku bixin karo fursad nabadeed.” Ayuu yiri Madaxweyne Macron.

Madaxweyne Macron ayaa yiri “Waxaan aaminsanahay in Mareykanku uu hadda kordhinayo cadaadiska Raysal Wasaaraha Israel, si uu sidaas u sameeyo. Haddii Netanyahu uu yiraahdo maya, Faransiisku wuxuu arrinta u gudbin doonnaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Lubnaan, Abdallah Bou Habib ayaa sheegay in Gobolka Bariga Dhexe oo dhan uu halis ugu jiro dagaalka ay Israel fidineyso.

Wasiirka oo khudbad ka jeedinayay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in la qaado tallaabo lagu joojinayo gardarrada Israel.

Israel ayaa iska dhega tireysa baaqyada xulafadeeda muhiimka ah, xilli ay ogsoon tahay cawaaqibka uu leeyahay dagaalka ay ballaarineyso.

Masuuliyiinta Israel ayaa ku hanjabaya inay ciidamadooda duulaan dhinaca dhulka ah ku qaadi doonaan dalka Lubnaan, si shacabkoodii ku barakacay xiisadda xuduudda ay guryahooda ugu soo laabtaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *