MADAXWEYNAHA DDS MUDANE. MUSTAFE MUXUMED CUMER AYAA XADHIGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE XAFIISKA MAALIYADA DDS OO AAY KU BAXDAY LACAG KA BADAN 180 MILYAN OO BIRR.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Wasiirka Xafiiska Maaliyadda ayaa xadhiga kajaray dhismaha cusub ee Xafiiska Maaliyadda DDS oo ka kooban (B+G+3) uuna dhisay Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS.

Dhismaha Xafiiskan oo loo habeeyay hannaan aad uwanaagsan loona dhisay qaab casri ah ayaa la billaababay sanadkii 2013 T.I, waxa uuna noqonayaa xafiiskii koowaad ee loo dhiso qaab noocan oo kale ah.

Isbaddalkii kaddib Xukuumadda DDS ayaa daddaal badan ka samaysay dhisidda, dib-u-habaynta iyo qurxinta goobaha adeeg-bixinta Dawladda maadaama ay yihiin goobaha laga dheehan karo haykalka dawlad-nimo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *