Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa tababbarka usoo xidhay xoog ciidan oo loo layliyay ciidamada maleeshiyaadka DDS oo ah dufcadda koowaad si loo xoojiyo nabadgelyada iyo xasiloonida bulshada.
Qaybo kamid ah tababbaradii ay qaateen ciidamadu muddadii ay xaraysnaayeen gaar ahaan: Shiishka dhaw iyo midka fog, qaab dagaalka iyo gaardi ka ciyaarka ayay usoo bandhigeen masuuliyiinta.
Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan doonayaan in ay kor uqaadaan tirrada ciidamada Deegaanka maadaama Deegaanku uu ballaadhanyahay si loo sugo nabadgelyada xudduudaha iyo mida gudahaba.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay uhoggaansamaan shuruucda iyo hannaanka dawladnimo, goobaha la geeyana ay ku filnaadaan amnigiisa, bulshada ay udhaarteena aysan uhorseedin wax dhib ukeena.
Mudane Dayib Axmed Nuur, Hoggaanka Nabadgelyada DDS ayaa yidhi; Sugidda amniga bulshadiina waa masuuliyadiina ugu balaadhan ee la rabo in sidii loogu talo’galay aad ugasoo baxdaan, goobaha aad tagaysaana aad ka xoojisaan hirgelisaan sarreynta sharciga.
“Kuliyadda Tababbarada Booliska DDS ayaa isbaddalkii kaddib juhdi iyo wakhti badan galisay in ay soo saarto ciidammo tayo iyo tirro ahaanba ka dhisan”, Janaraal C/raxmaan Axmed Nuur, Maareeyaha Kuliyadda Tababbarada Booliska DDS.
Waxaa xusid mudan in isla shalay uun ay ka qalin-jabiyeen ciidammo kuwan lamid ah Tuulada Koolo ee degmada Doollo-addo; Kuwaasi oo tababbarku hal maalin uwada furmay kuwa maanta qalin-jabiyay.