Madaxweynaha Barcelona Oo Balanqaad Weyn U Sameeyay Taageerayaasha Kooxda.

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa sheegay in kooxda La Liga ay ka go’an tahay” saxiixa garabka Athletic Bilbao Nico Williams.

2h21 jirkaan ayaa kusoo baxay ciyaaryahan muhiim u ah Bilboa iyo Spain, isagoo markii hore ka qeyb qaatay shan gool iyo 11 caawin 31 kulan oo uu saftay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore.

Taasi waxay ka qayb qaadatay in Williams lagu aamino safka xulkiisa ee Euro 2024, isagoo dhaliyay hal gool iyo hal caawin afar kulan oo uu kusoo bilowday.

Dhawaan bishii December, Williams wuxuu qalinka ku duugay heshiis cusub oo waqti dheer ah oo uu kula sii joogayo Bilbao, isaga oo kordhinaya sii joogida kooxda ilaa dhamaadka 2026-27.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa si weyn loo hadal hayaa inuu jiro xiisa ka imaanaya Premier League, gaar ahaan kooxaha Liverpool iyo Chelsea.

Waxaa jiray soo jeedin hore oo ku saabsan in Williams laga yaabo inuu isku diyaariyo inuu sii joogo kooxdiisa si uu kor ugu qaado fursada uu ugu dambeyntii ugu wareegi karo Camp Nou.

Iyadoo Barcelona ay dhibtoonaysay dhaqaale ahaan dhowr sano, fikradda ayaa ah in saxiixa xiddiga aan macquul ahayn dhammaadka August.

Taas bedelkeeda, Laporta ayaa tilmaamay in Barcelona ay dhawaan gaari doonto go’aan ay ku heli karaan qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Williams, kaasoo lagu sheegay 53 milyan oo ginni.

Isagoo la hadlaayay Catalunya Radio, Laporta ayaa yiri: “Marka laga hadlayo dhaqaalaha, waxaan ballan qaadeynaa saxiixa Nico Williams.

“Nico waa ciyaaryahan aan jeclahay, aad ayaan uga helaa isaga, waxaan kala shaqeyneynaa Tababare Hansi Flick saxiixyada suurtagalka ah.

“Waqti gaaban waxaan awood u yeelan doonaa inaan ku dhawaaqno war wanaagsan oo ku saabsan dhaqaalaha, waxaana ku soo laaban doonaa xadka Fair Play ee La Liga. Taasina waxay ogolaan doontaa inaan sameyno wax wanaagsan.

Sidii la filayey Barcelona ma aysan keenin wajiyo cusub xiligaan suuqa kala iibsiga, laakiin waxaa jiray seddex ciyaaryahan oo ka baxay,

Sergino Dest ayaa u ambabaxay PSV Eindhoven, halka Marcos Alonso iyo Sergi Roberto uu mid walba beeca xorta ah kaga tagay.

Joao Cancelo iyo Joao Felix ayaa ku laabanaya Manchester City iyo Atletico Madrid.

Sidoo kale Clement Lenglet, Eric Garcia, Julian Araujo, Pablo Torre iyo Ansu Fati ayaa dhamaantood dib ugu laabtay kooxda ka dib markii ay amaah kaga soo qaateen Barcelona intii lagu jiray 2023-24.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *