Madaxii qorista Maleeshiyaadka Daacish oo lagu dilay duqeyn ka dhacday G/Bari.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyntii diyaaradaha dagaalka mareykanka ay ka fuliyeen Buuraha Gobolka bari oo saldhig u ah daacishta Soomaaliya.

Wargeyska Daily Mail ee dalka Ingariiska ayaa daabacay in duqeyntii cirka ahayd ee toddobaadkii hore ka dhacday Soomaaliya lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kaasoo la rumeysan yahay inuu mas’uul ka ahaa qorista argagixiso loogu talagalay fulinta weeraro ka dhaca dalalka Galbeedka.

Ninka la beegsaday ayaa magaciisa lagu sheegay Ahmed Maeleminine, oo ah sarkaal sare oo Dcish u qaabilsanaa qorista maleeshiyaadka, maalgelinta, iyo hoggaaminta howlgallada dibadda.

“Ninkani wuxuu qortay argagixiso ka kala yimid caalamka daafihiisa, wuxuuna u tababaray si ay u dilaan dad aan waxba galabsan, kadibna wuxuu dib ugu celiyay dalalka reer Galbeedka si ay halkaas uga fuliyaan weeraro Jihaadi ah oo ka dhaca in ka badan hal waddan,” wxaaa sidaas yiri Sebastian Gorka, oo ah agaasimaha sare ee la-dagaallanka argagaxisada ee maamulka Trump.

Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa wali ka hadlin Khasaaraha ka dhashay Duqeynta ka dhacday calmiskaat wallow mareykanku sheegay in Dad rayid ay wax ku noqon balse waxa lawada sugayo ayaa ah khasaaraha gaaray kooxda daacish.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *