Guddoomiyaha dagmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo Cabdicasiis Xareed Cabdullaahi oo ay Wehlinayeen Xubno ka mid ah maamulka Dagmada ayaa kulamo xal raadin ah ka billaabay degaano hoostaga degmadaas, halkaas oo ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.
Kulan ayay la qaateen mas’uuliyiintan qeybaha kala duwan ee bulshada degaanka Gaawiido oo hoostaga dagmada Baladxawo ee Gobolka Gedo, waxaana kulanka uu daarnaa xal u helida khilaafyo kala duwan oo dhawaanahaan ka taagnaa deegaankaasi iyo dardargalinta arimaha amniga deegaanka iyo kalinta ay Maamulka ku leeyihiin nabadeynta iyo dib heshiisiinta bulshada deegaanka, waxbarashada iyo Caafimaadka.
Mas’uuliyiinta Maamulka oo warbixino kala duwan ka dhageystay dadka deegaanka iyo wax garadka ayaa ugu dambeyn ku guulestay xal u helida khilaafyadii ka taagnaa deegaanka oo la xiriiray isku qabsiga dhulalka.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha dagmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo Cabdicasiis Xareed Cabdullaahi oo ay Wehlinayeen Xubno ka mid ah maamulka Dagmada ayaa bulshada kula dar daarmay ka shaqeynta Amniga iyo xasiloonida degaanka.
Sikastaba, degaano iyo degmooyin katirsan gobolka Gedo ayaa waxaa horay uga dhacay colaad Beeleedyo soo laab laabtay, kuwaas oo saameeyay Bulshada kunool Gobolkaas, wallow intooda badan xal laga gaaray dagaaladaas.