Horumarka waxbarasho ee ka socda Gobolka banaadir

wax

Tan iyo burburkii dalka kadib waxbarashada soomaaliya ayaa soo hagaageysa kadib markii si toos ah wasaaradda waxbarashada ay ula wareegtay  iskuuladii dowladda ee gobolka banaadir kuwaas oo ay dowladii dhexe  maamuli jirtay.

Iskuuladaas oo ka badan 25 iskuul oo isugu jira heerarka waxbarashada sida dugsiga hoose dhexe iyo sare.

Isku dheeli tiranka nidaamka waxbarasho ee iskuulada Gobolka banaadir ayaa imaaneysa kadib markii wasaarada waxbarashadu ay ku guuleysatay iney soo saarto manhaj waxbarasho kaas oo meesha ka saaray manaahijtii isbarbar yaaceysay ee waxbarashada iskuulada.

wax

Ardaydii ka soo jeeday qoysaska danta yar ee kolkii hore ku dhibanaa waxbarashada sababo ku aadan lacagaha lagu dhigan jiray iskuuladda  ayaa fursad ka helay nidaamka wasaaradda waxbarashada ay dib ugula wareegtay iskuuladda gobolka banaadir kadib markii ay damaanad qaaday mushaarka macalimiinta iyo daboolidda baahida goobaha waxbarasho sida agabka aas aasiga u ah waxbarashada.

Haatan marka laga soo tago iskuulo yar oo gaar loo leeyahay mooyee inta badan iskuulada gobolka banaadir waxbarashadoodu waa lacag la’aan waa un adiga wax baro ayuu yiri mid kamid ah waalidiinta kunool gobolka banaadir.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa markii laga soo tago gobolka banaadir sidoo kale nidaam mideynaya waxbarashada dalka oo dhami ka hergalisay sida imtixaanada iskuulada dowlad gobolleedyada dalka iyo gobolka banaadir.

Waxayna tani dalkanaga u horseeday inuu ku talaabsado soo kabasho dhanka waxbarashada kadib markii uu saameeyay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *