HOGGAAMIYAHA XUUTHIYIINTA OO SACUUDIGA UGA DIGAY IN LA SOO ADEEGSADO.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen ayaa dalka ay deriska yihiin ee Sacuudiga uga digay in lagu soo hoosaasiyo dagaal ay xilligan la galaan Yemen.

Abdul-Malik Al-Houthi oo xalay jeediyay khudbad si toos ah looga daawanayay telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al-Masirah ayaa Boqortooyada Sacuudiga uga digay inay gacan saar la yeelato Mareykanka, Ingiriiska iyo Israel ee cadowga ku ah buu yiri Yemen.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta ayaa marka hore sheegay in Ciidamada Yemen ay ku guuleysteen inay Badda Cas ka eryaan isbahaysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ee loo aasaasay inay ka hortaggaan weerarada Xuuthiyiinta ku hayaan maraakiibta ganaciga ee ku wajahan Dekedaha Israel.

Hoggaamiyaha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Mareykanku uu ku guuldareystay in dalalka Badda Cas uu ku soo daro hawlgalkiisa iyo in dalalka deriska la ah Yemen uu u adeegsado goob uu ka soo weeraro dhulkooda.

“Mareykanku waxa uu weli isku dayayaa in Sacuudiga uu ku cadaadiyo, si cadaadis na loo soo saaro. Mareykanku wuxuu Sacuudiga ku khasbayaa in uu qaado tallaabooyin cadowtinimo ah waqti xaadirkan oo ka dhan ah Yemen, iyadoo markaasi la taageerayo Israel.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta.

Waxa kaloo uu yiri “Mareykanku waxa uu damacsan yahay in uu Sacuudiga nala galo dagaal dhan walba ah, xiisaddana uu gaarsiiyo heerkii ugu sarreysay.”

Abdul-Malik Al-Houthi, Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen ayaa yiri “Waxaan u aragnaa tallaabo kasta oo Sacuudiga uu ku soo hujuumo Yemen mid faa’iido u ah Israel iyo Mareykanka.”

Hoggaamiyaha ayaa Sacuudiga ku booriyay inaysan ku dhicin dabinka Mareykanka, ayna ogaadaan in shacabka Yemen ay ka soo horjeedaan xasuuqa Israel ku hayso shacabka Falastiiniyiinta.

Isaga oo sii hadlayay ayuu Riyadh uga digay in ay la soo safato Mareykanka, isla-markaana ay ka fogaadaan sida uu yiri ficilada nacasnimada ah.

“Waan ka digaynaa, waxaana ku talinaynaa in Sacuudigu uu ka fogaado ficilada nacasnimada ah ee uu ku raacayo Mareykanka.” Ayuu yiri Abdul-Malik Al-Houthi.

Abdul-Malik Al-Houthi ayaa xusay in Mareykanka, Israel iyo Ingiriiska ay la yaab ku noqotay sida uu yiri is garabtaagga Yemen ee shacabka Falastiin.

“Teknolojiyadda casriga ah ee Mareykanka iyo UK waxay ku guuldareysteen inay joojiyaan hawlgalada aargoosiga ah ee Yemen.” Ayuu yiri Abdul-Malik Al-Houthi.

Abdul-Malik Al-Houthi ayaa dunida Muslimka ku booriyay inay adkeeyaan midnimada iyo iskaashiga dhexdooda, isagoona ummadda Muslimiinta u soo jeediyay inay si sax ah ugu dhaqmaan Diinta Islaamka.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa isku dayaya in ay wiiqaan dhaqaalaha Israel, iyagoona go’doominaya dekedaheeda, si Tel Aviv culeys loogu saaro inay soo afjarto duulaankeeda Marinka Gaza iyo go’doominta ay muddada dheer ku hayso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *