HOGGAAMIYAHA MAAMULKA SSC-KHAATUMO MUDANE CABDIQAADIR AW-CALI OO KULAN LA QAATAY SAFIIRKA BOQORTOOYADA SUCUUDI CARABIYA.

Hoggaamiye Cabdiqaadir oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamaanka iyo Wasiirka caddaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Diinta ayaa kulan la qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Axmed Bin Maxamed Al-Mawliid.

Kulanka oo ka mid ah kulammo uu hoggaamiyuhu la qaadanayo dawladda Federaalka iyo Beesha Caalamka inta uu ku gudo jiro safarka shaqo ee uu ku joogo caasimadda.

Kulankan ayaa lagaga hadlay sidii Boqortooyada Sucuudigu uga qayb qaadan lahayd arrimaha horumarinta iyo gargaarka bani aadantinnimada deegaannada SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey Safiirka taageeridda ay Boqortooyadu la garabtaagan tahay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, isaga oona u gudbiyey taageerada ay hadda uga baahan yihiin deegaanka SSC-Khaatumo oo ay ragaadiyeen duullaankii muddada dheeraa Somaliland, kuwaas oo curyaamiyey dhammaann qaybaha kala duwan ee ilaha dhaqaalaha.

Amb Axmed oo ah 30 sano ka dib safiirkii u horreeyey ee ay Boqortooyadu usoo magacowdo dalkeenna ayaa sheegay in ay dhankooda diyaar u yihiin sidii ay u garab istaaggi lahaayeen guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaanna shacabka SSC-Khaatumo.

Ugu dambayn, hoggaamiyaha ayaa uga mahadnaqay safiirka sida heerka sare ah uu u qaabilay iyo siday ugu taagan yihiin taageeridda ummadda Soomaaliyeed.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *