Faahfaahin dheeraad ayaa kasoo baxaysa xariga Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, kaasi oo shalay lagu xiray magaalada Hargeysa. Xildhibaanka laga soo doorto Gobolka Awdal ayaa horey u wajahayay dacwad Xeer-ilaalintu ay ku dooneyso in laga qaado xasaanada si ay ugu soo oogaan eedeymo la xiriira faafinta sirta ciidanka, Kalfadhiga bilowga ah ee dhowr jeer laga dhex baafiyay Xildhibaan Abiib ayaa la filayay in uu ka go’aan gaaro codsiga xeer-ilaalinta ee xasaanad ka xayuubinta mid ka mid ah xildhibaanada ku cusub Golaha Wakiilada Somaliland, ee muddo koobaan caan uga dhex noqday golahaas. Sida loo qabtay xildhibaan Abiib Xildhibaan Maxamed Abiib oo ah mid ka mid kuwa ugu magaca weyn xildhibaanada laga soo doorto gobolka Awdal, oo ay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta heshiiskii Addis Ababa iyo Hargeysa ka taagneyd, ayaa saacado dheer ku xiran meel aanan si rasmi ah loo shaacin oo ka mid ah gudaha Somaliland. Xildhibaan ayaa horey u wajahayay eedeymo dhowr ah oo uu ka gudbiyay xafiiska Xeer-Ilaalinta Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaran-dumisnimo, sumcad dilka ciidanka, u-hiilin cadow, iyo ka-hor-imaanshiyaha danaha qaranka. Waxa uu ka maqnaa kulamadii Golaha kadib markii dib loo furay, iyada oo dhowr jeer laga dhex baafiyay fadhiga isaga iyo xubno kale oo fasax la’aan ka maqnaa kulada. Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii xildhibaan ku sugayay garoonka diyaaradaha Cigaal, waxaa Xildhibaanka oo akhbaar moog ah laga dhex qabtay goobta ay ku nastaan dadka madaxda ah ee garoonka ka dhoofaya ama kasoo degaya wax yar uun markii uu soo galay. Koox rag dharcad ah oo ka tirsan sirdoonka Somaliland ayaa garbaha ka galay xildhibaanka iyaga oo weydiistay in uu soo raaco. Si aan rabshad iyo is-jiid-jiid laheyn ayuu Xildhibaan Abiib u galay gaari ay wateen ciidamada dharcadka ah. Ciidankaas ayaa watay saddex gaari oo muddo dheer ba ku sugayay xildhibaanka banaanka garoonka, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka xildhibaanka ku sugayay goobta. Wixii markaas ka dambeeyay dib looma arag, ciidamada amniga iyo sirdoonka Somaliland kama aysan hadlin. Xildhibaanka hadalka badan ee su’aalaha badan waxa uu noqonayaa xildhibaankii labaad oo la xiray inta ay jirto xukuumada madaxweyne Muuse Biixi. Xildhibaan kasoo jeeday Sool ee lagu magacaabo Maxamed Axmed Dhakool ayaa sanadkii 2019kii noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee gudaha Somaliland lagu xiro. Maxkamada gobolka ayaa diiday xarig xildhibaankaas, go’aanka oo ay xukuumada iyo hay’adaha amniga ay iska indho-tireen, sida uu sheegay sharciyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil, oo sheegay in Xildhibaan Dhakool sideed iyo afartan maalin kadib lagu sii daayay dedaalo ay sameeyeen odeyaasha dhaqanka. Murashaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi “Cirro” ayaa xarigga xildhibaanka ku tilmaamay mid dastuurka lagu jabinayo, iyada oo hadal kaas la mid ah uu jeediyay guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka ee xubinta ka ahaa xildhibaanka la xiray ee Kaah, Maxamuud Xaashi. “Xadhigga Xildhibaan Maxamed Abiib waa gef sharci iyo Dastuur Jabin cad,” ayuu ku yiri bartiisa Facebook Cabdiraxmaan Cirro. “Waxaan u aragnaa gef midnimada iyo wada-jirka umadda laga galayo, waxaan u aragnaa tallaabo lagaga gal-galanayo doorashada afaafkeedii la joogo,” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Xaashi. Maxamuud Xaashi ayaa ka mid ahaa tiro xildhibaano Somaliland ah oo ahaa kuwii ugu horreeyay ee ee xukuumadii madaxweynihii geeriyooday ee Cigaal ay eedeysay sanadkii 2000dii. Halka lagu xiray xildhibaan Abiib Baadigoob ay hoggaanka xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Kaah inay ku ogaadaan halka lagu hayo Xildhibaan Maxamed Abiib iyo inay booqdaan si ay xaalkiisa usoo ogaadaan ayaa guuldarro kusoo dhamaaday kadib markii ay booqdeen xarunta dembi-baarista Somaliland oo markii hore la tuhmayay. “Madax fara badan baa tagtay xaruunta CID-da meelo badnna haddaan ku soconaa inaanu ka war-doonno ilaa iyo hadda ma sugna lamana yaqaanno meel la geeyay,” ayuu yiri Maxamuud Xaashi. Waxaa kale oo markii dambe beenoobay tuhun ah in xildhibaanku ku xiran yahay xarunta sirdoonka Somaliland. Xubno kala duwan oo ka tirsan Xisbiyada iyo ururada mucaaradka ayaa sheegay in ay ogaadeen in Xildhibaan Maxamed Abiib ku xiran yahay xabsiga Mandheera, oo u dhexeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Waa xabsi fac weyn oo ilaa berrigii kacaanka dadka lagu xiri jiray. Warqad kasoo baxday Golaha Wakiilada Somaliland oo lagu canbaareeyay xariga xildhibaanka waxaa lagu xaqiijiyay in xildhibaanka hadda lagu hayo xabsiga Mandheera, oo horey siyaasiiyiin badan oo reer Somaliland ah loogu xiray. Waa xabsi badanaa la la doonto dadka la doonayo in aanan la booqan ama laga yaabo in xarigoodu horseedo booqashada iyo isu-imaatinka dad badan. Dastuurka iyo xeerarka Somaliland ma ogola in la xiro mudane ka tirsan Golaha Wakiilada ilaa inta marka ugu horreyso laga qaadayo xasaanada. Kalfadhi aan caadi ahayn oo ay horey u yeesheen Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku guuldareystay in xasaanada looga xayuubiyo xildhibaanka, sida uu codsaday xafiiska Xeer-ilaalinta Somaliland. Ciidanka RRU-da ee lagu eedeeyey xariga Abiib Sannadkii 2012 ayaa la aasaasay RRU (unugta hawlgalka degdegga), waxayna ka mid yihiin Ciidanka Birmadka ee Booliska Somaliland oo markii hore la oran jiray SPU (Unugta ilaalada gaarka ah). Ciidanka Birmadka ee Somaliland wuxuu ka kooban yahay labadaas qaybood ee kala ah RRU iyo SPU. SPU hawshooda ugu weyn waxay ahayd inay ilaaliyaan amniga hay’adaha iyo diplomaasiyiinta, laakiinse unugta RRU oo si wanaagsan u tababaran una qalabaysan ayaa lagu soo kordhiyey 2012. Dhaqaalaha iyo tababarka Dawladda Ingiriiska ayey wararku sheegayaan inay ciidankaas ka taageeri jirtay dhaqaalaha. Sidoo kale wuxuu ingiriisku ka taageeri jiray dhanka tababarka, laakinse dawladda Ingiriisku marnaba si toos ah ugama aysan hadlin taageerada ay siiso ciidanka RRU ee Somaliland. Tababarka ciidankaas ay qabaan ayaa la mid ah kan milateriga, waxaana durba billowday cabasho in laga keeno, taaso la xiriirta in isbeddel lagu sameeyo RRU. Mid ka mid ah dadka aadka uga hadli jiray qaabka hawlgal ee ciidankaas oo aynaan magaciisa sheegayn sababo amni dartood ayaa ka warramay sababta ay u saluugsanaayeen qaabka ay ciidankaas u dhaqmaan “ciidankan waxay qabaan tababar la mid ah kan milateriga, waxaana loogu tala galay inay argagixisada la dagaallamaan, sidaa darteedna ma ahayn in shacab loo adeegsado, waayo waxay isticmaalayaan awood aad u xad dhaaf ah.” Cabashada ka imaanaysay ciidankaas markii ay badatay ka dib ayey dawladda ingiriisku joojisay taageeradii dhaqaale iyo tababar ee ay ciidankaas siin jirtay. Wasiirka arrimaha gudaha