Guddiga Ganacsatada xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi ayaa ka walaacsan hadal uu dhowaan sheegay madaxweynaha Kenya William Ruto, kaasoo ku saabsanaa dhismaha guryaha dhaadheer ee xaafadda.
Maalintii Sabtidii, oo ay ku beegneyd sanadguurada 60-aad ee Ciidamada Cirka Kenya, ayaa munaasabadda dabaaldegga wuxuu Madaxweyne William Ruto ka sheegay inay tahay in sharciga la raaco marka guryo laga dhisamyo meel u dhow saldhigga ciidamada ee xaafadda Eastleigh.
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xerada militariga ee Saldhigga Moi oo ku taalla isla xaafadda.
Wuxuu guddigu sheegay in loo baahan yahay in lakala saaro howlaha dhismaha ee sharciga ah iyo kuwa aan sharciga ahayn.
Cumar Xuseen oo ah Xoghayaha Guud ee Guddiga Ganacsatada xaafadda oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dadka guryaha dhista ay markii horeba soo maraan sharciga iyo maamulka magaalada Nairobi.
“Hadalkan uu hadda madaxweynaha ku dhawaaqay iyo kii uu bil kahor jeediyay ee ahaa in dabaqyada guryaha la dhisanayo la gaarsiin karo 30 maaddaama dhulku ciriiri yahay, wuxuu ganacsatada ku keeni karaa walaac iyo in la dhibaateeyo oo la dhoho sharci maaha gurigan ee jooji” ayuu yiri.