Dowlad gobolleedka Galmudug iyo heerka waxbarasho ee dowlad gobolleedkaasi.
Dowlad gobolleedka galmudug waxa uu kamid yahay maamuladii ugu horeeyay ee la aas aasay.
Bishii August 11,2006 xilligaas ayaana si rasmi ah maamulkaas Madaxweyne loogu doortay Maxamed Warsame Cali (Kiimiko)
Haatan oo ay dowlad gobolleedkaas jirsatay 18 sano waxaa madaxweyne ka ah Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor.
Waxaana u dhameystiran dhammaan dowlad gobolleedkaas wasaaradihii dowladnimadu saldhigga u ahaa.
Waxaana kamid ah Wasaaradda waxbarashada oo haatan uu wasiirkeedu yahay mudane Maxamed Xaashi dhoore.
Dhanka waxbarashada maamulkaas waxa uu kamid yahay maamulada ugu wanaagsan iyadoona wasaaradda waxbarashada galmudug ay kamid tahay wasaaradaha hoosyimaado wasaaradda waxbarashada ee dalka.
Labo iyo toban Magaalo oo maamulkaas uu ku arimiyo ayaa waxaa wax ku barta arday isku cel celis gaaraya 6kun.
Manhajka rasmiga ee lagu dhigo iskuulada dowlad gobolleedka galmudug waa manhajka ay soo saartay wasaaradda waxbarashada soomaaliya iyadoona sidoo kale si toos ah wasaaradu ay u maamusho waxbarashada maamulkaas sida qarashaadka macalimiinta iyo dayactirka iskuulada.
Inkastoo sanadkan imtixaankii sanad dugsiyeedka ee gobolka banaadir iyo dowlad gobolleedyada ee 2023/20244 kaalmo hore aaney ka galin galmudug hadana sanadkii hore 2022/2023 liiska 10 arday ee kaalmaha hore ka galay waxaa oogu jiray hal Arday.