FADLIGA 10 MAALIN EE BISHA CARAFO AYNU KU GUDA JIRNO.

1) Maalinta Carafo diinta ayaa la dhammaystiray, waxaana maalintaas soo degay hadalkii Alle S.W. ee arrintaa caddaynayay: “Maantaan idiin kaamilay (Dhammaystiray) Diintiinna waxaana ku Taam-yeelay Korkiinna galladdayda (Nicmadayda), waxaana idiinka Raalli noqday Islaamka Diin ahaan”.

[Suuratul-Maa’idah 3]

2) Maalinka Carafo Allaah ayaa ku dhaartay, Allaha weyna kuma dhaarto wax aanan waynayn, waana maalinka lasoo xaadiro ama laga marag noqdo ee Alle ku dhaartay isagoo yiri: “Iyo (Waxaan ku dhaartay) ku goobjooge ah Maalintaas ama markhaati ah (maalinka Jimcaha) iyo mid la xaadiray (Carafo)”.

[Suuratul-Buruuj 3]

3) Soonka maalintaas waxaa lagu dhaafaa dambiyada labo sanadood, kalana ah sanad tegay iyo mid soo socda.

[Saxiixu Muslim]

4) Maalinta Carafo waxay ku jirtaa mid kamid ah bilaha xurmada leh. Alle wuxuu yiri: “Tirada bilaha Eebbe agtiisa waa Labiyo toban kitaabka Eebbe dhexdiisa taniyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana ka mid ah afar xurmo (gaara) leh.”

Bilahaa xurmada leh waxay kala yihiin: Sidataal, Arrafo, Sako iyo Sabbuux.

Hadaba maalinta Carafo waxay ku jirtaa bisha Arrafo.

4) Maalinta Carafo waxay kamid tahay maalmaha la cayyimay ee uu Alle kitaabkiisa ku ammaanay. Alle wuxuu yiri: “inay goob-Joogaan (u yimaadaan) Nacfigooda Dartiis, oo ay xusaan Magaca Eebbe Maalmo la Yaqaan (cayiman)”.

[Suuratul-Xaj 28]

5) Maalinta Carafo waa u ciid dadka taagan banka Carafo maalintaas. Rasuulku s.c.w. wuxuu yiri: “Maalinta Carafo, maalinta gawraca (Ciidul-adxaa) iyo ayaamu-tashriiqu, haddaan nahay dadka Islaamka waa inoo ciid, waana maalmo cunno iyo cabitaan”.

[Saxiix Abii Daa’uud (Albaani)]

6) Maalinta Carafo waxaa ku sugan tiirka weyn ee xajka. Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: “Xaj waa Carafo”.

[Saxiix Alnasaa’ii (Al-albaani)]

7) Maalinta Carafo waxaa badan naar ka xoraynta uu Rabbi addoomadiisa ka xoreeyo cadaabta. Rasuulku s.c.w. wuxuu yiri: “Ma jiro maalin uu Alle addoomadiisa uga naar-xorayn badan yahay maalinta Carafo, Allena wuu soo dhowaadaa maalintaas (soo dhowaansho ALLE weynidiisa iyo sharaftiisa u qalanta) markaa ayuu malaa’igtiisa ugu faanaa/baanaa (Xujayda maalinkaas banka Carafo taagan), wuxuuna yiraahdaa: Kuwaani maxay bay doonayaan? (Taasoo ka dhigan iyagoo boor leh oo basaasan bay yimaadeen banka Carafo iyagoo doonaya Raxmaddayda, cadaabkaygana ka cabsanaya) sida uu xadiis kale sheegay”.

[Saxiixu Muslim]

Maalinta Carafo waa maalintii uu Alle ballanta la galay ilmaha Aadam C.S.

Rasuulku s.c.w. wuxuu yiri: “Ilaahay wuxuu ballanta kaga qaaday dhabarka Aadam goobta Nicmaan (Waa tog ku yaal Makka, gaar ahaan aagga Tanciim) maalin Yawmu-Carafo ah, wuxuuna dhabarkiisa kasoo saaray dhammaan ubadka ka farcami doona, hortiisa ayuuna ku firdhiyay, kuna faafiyay iyagoo aad mooddid sidii saxarro ama atamyo (wax aad u yar-yar) oo kale, wuuna la hadlay iyagoo soo jeeda oo ku yiri: MIYAANAN RABBIGIIN AHAYN? iyaguna waxay ku jawaabeen; Haa Rabbiyow, Rabbigeen waa aad tahay”.

[Saxiixul-jaamic (Al-Albaani)]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *