Erik ten hag ayaa sii ahaan doona tabaabraha manchester united.

waxaana macquul ah in lala furo wadahadalo qandaraas kordhin ah kadib qiimeyntii ineos ku sameysay tababarahan waxay ku qanceen in uu sii joogo kooxda.

Goaanka sii joogista Ten hag waa midka ugu macquulsan uguna Riskiga yar marka loo eego magacyada tababarayaasha la heli karo iyo sidoo kale mashruuc bilaabis cusub maaha mid ineos diyaar u yihiin ugu yaraan sanadkan, Qandaraas kordhinta Ten hag micnaheedu maaha in uu muddo dheer sii joogayo ee keliya waa in la yareeyo awoodaha uu ku leeyahay kooxda ee uu saxeexay markii uu la wareegay Tababaraka.

Saxeexyada cusub qandaraas kordhinta iyo waxkasta oo la xidhiidh waxa maamulaya Ashwort iyo wilcox halka Ten hag uu awooda saari doono Horumarinta ciyaartoyada iyo xaqiijinta natiijoyinka munaasibka ah iyo hadafka laga sugayo yacni xagaagan iyo wixii ka danbeeya ten hag dooran maayo ciyaartoyada kooxdu soo iibsanyso keliya waxa uu sheegan doonaa profilka ama nooca uu u baahan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *