DOWLADDA TURKIGA OO KA FAKIRAYO INUU GUDAHA U GALO ISRAEL.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii shalay sheegay, in laga yaabo in Turkiga uu gudaha u galo Isra’il, si la mid ah sidi ay horay uga sameeyeen Liiniya iyo Nagorno-Karabakh, balse ma uusan faah-faahin nuuca ay noqon doonto faragelinta uu soo hadal qaaday.

Erdogan, oo si aada u dhaleeceeya duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza, ayaa hadalkaan jeediyay xilli uu ka hadlayay horumarka uu dalkiisa ka sameeyay wax soo saarka qalabka difaaca.

“Waa inaan aad u xoog banaanno si aysan Israa’iil wax yaabahan lagu qoslo uga sameyn Falastin. Sidi aan u galnay Liibiya iyo Karabakh, waxaa dhici karta inaan si la mid ah iyaga ku sameyno,” Ayuu Erdogan u sheegay mudanayaal ka tirsan xisbigiisa AK oo uu kula kulmay magaalada uu asal ahaan kasoo jeedo ee Rize.

Erdogan ayaa intaasi ku daray “in aysan jirin sabab aysan taasi u sameyn karin, balse ay tahay in ay awood muujiyaan si ay tallaabadaasi u qaadaan.
Wakiillada xisbiga AK Party ayaanan ka jawaabin faah-faahin arrintan ku aadan oo ay weydiisay wakaaladda wararka ee Rueters, Israa’iil ayaa iyaduna aanan wax war ah kasoo saarin arrintan.

Madaxweyne Erdogan u muuqday in uu tixraacayay faragelinti uu horay Turkiga uga sameeyay Libya iyo gobolka Nagorno-Karabakh ee ay isku heystaan Azerbaijan iyo Armenina.

Sannadki 2020-ki, Turkiga ayaa ciidamo millatari ah u diray Libya, si ay u taageeraan dowladda uu caalamka aqoonsanyahay ee Libya.

Turkey horay ayay u beenisay in ay si toos ah uga qeybgashay howlgallada millatari ee ay ciidanka Azerbaijan ka sameeyeen gobolka Nagorno-Karabakh sannadki hore, balse marki danbe sheegtay in ay dhan walba ka taageertay Azerbaijan sida tababarka milatariga iyo saanadaha millatari.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *