Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICJ ayaa goor dhow amartay in lasoo xiro R/W iyo wasiirka gaashaandhiga Isra’el Binjamim Natanyahu iyo Yoav Gallant.
Sidoo kale maxkamadda ayaa amartay in la soo xiro 3 hogaamiye oo ka tirsan ururka Xamaas.
Qoraal dheer oo lagu daabacay bogga maxkamada ayaa lagu sheegay in masuuliyiintaan uu kujiro ra,isul wasaaraha yahuuda aanay xuriyada haysan laga bilaabo maanta oo taariikhda tahay 20/5/2024.
Sidoo kale qoraalka maxkamada waxaa lagu amray in iyana laxiro wasiirka arimaha dibada dalkaasi iyo 3 masuul oo xamaas ah.
Dhamaan masuuliyiintaan waxaa lagu eedeeyay tacadi bini,aadan-nimo oo ay geesteen.
Lama oga sida uu dhaqan gili doono amarka maxkamada iyadoo ay xusid mudan tahay in masuuliyiinta israa,iil ay kol hore sii sheegeen in aysan u hogaansami doonin amar kasta oo kadhan ah iyaga .