Wasaaradda amniga Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa qiraal ka sameysay dil dhowaan magaalada Garoowe loogu gaystay Marxuum Axmed Saxane Cabdi oo kamid ahaa dadka deegaanka, kaas oo uu dilkiisu dhaliyay caro xoogan.
Warqad kasoo baxday wasaaradda amniga Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in marxuumka uu ku baxay gacanta ciidamada amniga, xilli ay wadeen howlgal ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Wasaaradda ayaa ballan-qaaday inay dowladda bixineyso magta marxuum Axmed Saxane Cabdk iyo duugtiisa, sida ay ku caddeysay warsaxaafadeedka.
Sidoo kale wasaaradda amniga Puntland ayaa beesha uu ka dhashay marxuumka iyo ehelladiisa ka dalbatay in la aaso, maadaama dowladda ay ballan qaaday bixinta magtiisa.
Waxay wasaaraddu amreysaa in marxuumka la aaso isla maanta, bacdamaa dowladdu xilqaadatay magta iyo duugtiisa”, ayaa lagu warka kasoo baxay xafiiska wasiirka Amniga Puntland Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xukuumaddu bixinayso dhammaan kharashaadka daawaynta dad kale ee ku dhaawacay hawlgalkaasi ciidan oo dhaliyay waxyeelada dhimashada iyo dhaawaca.
Garoowe ayaa waxaa haatan howlgallo culus ka wada ciidamada ammaanka ee Puntland, kuwaas oo dagaal adag kula jira kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, waxaana badanaa ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya labada dhinac, ayada oo khasaaraha ugu badan uu soo gaaro dadka rayidka ah ee aanu waxba galabsan.