Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xaalad kale oo adag uu galay deegaanka Ceel Baraf oo dhowaan lagu laayay askar ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka oo loo beegsaday aano qabiil darteed.
Xiisadda cusub ayaa ka dhalatay weerar kale oo xalay ka dhacay gudaha deegaanka, kadib markii dil iyo dhaawac loo gaystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Dhacdadan cusub ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay gaysteen koox hubeysan oo gaari ku timid, kuwaas oo beegsaday dad beeraleyd, kadib markii ay rasaas ku fureen.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay falkaan cusub, iyada oo ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonaan karo.
Sidoo kale waxaa kooxda weerarka fulisay ay dab qabad-siisay gaari Cagaf ah oo ay lahaayeen dadka beeraleyda ah ee weerarka lagu qaaday, iyada oo ay baxsadeen raggii ja dambeeyay.
Xaaladda deegaanka ayaa kacsan, waxaana hakad galay dhaq-dhaqaaqa guud kadib markii ay cabsi soo wajahday shacabka ku dhaqan Ceel Baraf, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta dowlad goboleedka HirShabelle.
Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay daba socoto falkii lagu laayay askarta ee horay uga dhacay Ceel Baraf, kuwaas oo mar dambe aas loogu sameeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib dhex-dhexaadin & dadaallo dheeraad ah oo la sameeyay.