Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa si wadajir ah waxa ay howlgallo ka dhan ah ‘AS’ uga wadaan deegaanno dhowr ah oo katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo saraakiil kale ayaa qayb ka ah dardargelinta howlgalladaan ka socda Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Waxaa deegaannada qaar ee gacanta ‘AS’ ku jira ku socda duqeymo isugu jirta mid ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka iyo kuwo hubka culus ee Dowladda heysato u adeegsaneyso si ay isaga baxaan oo ciidamadu u qabsadaan.
Dhaqdhaqaaqa ciidan xooggiisa waxa uu ka socdaa deegaanno hoostaga Biya cadde, Ceel-Baraf, aqab duco, warciise, Baka-jeex xaaji Cali iyo Raaga ceelle, waxa ay ciidamada iskaashanaya ay qorsheeyeen xoojinta abaabulkooda.
Ciidamada DF & Macawiisley oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada Shabeelaha Dhexe.
