Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ku xiray Weriye Cali Aadan Muu’min.

War qoraal ah oo ka soo baxay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in taliska ciidanka ee Degmada Xamarweyne soo xireen weriye Cali Aadam Muumin oo ay sheegeen inuu ku eedeysan yahay khal Khal galinta amaanka iyo aflagaado uu u geystay madaxda dalka.
Qoraalka Booliska ayaa lagu sheegay inay Weriyaha horgeyn doonaan Maxkamadda awooda u leh inay qaado dacwadda lagu soo eedeeyay ee ah inuu ka shaqeenayayay waxyaabo qalqal galinaya amaanka iyo dhalaceeyn iyo aflaagaddo toos ah uu bartiisa Facebook u marsiiyay madaxda dalka.
Qoraalka Booliska ayaa u qornaa “Taariikh markii ay ahayd 01/03/2025, Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar Weyne ayaa soo xiray Eedeysane Cali Adan Muumin oo ku eedeysan Qal Qal galin Amni iyo aflagaado madaxeed, Waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh”.
Booliska ayaa ujeediyay shacabka Soomaaliyeed inayaan ka qeyb noqonin waxyaabo qalqal gelinayaa amaanka caasimadda “Muwaadiinta Soomaaliyeed Waxaa la faray in aysan qeyb ka noqonin Qal Qal galinta Amniga iyo faafinta wararka been abuurka ah.” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka Booliska.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *