Bannaanbax lagu taageerayo weerarkii Iran ee Israel oo ka dhacay Tehran.

Isu soo bax ballaaran ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacay waddooyinka Magaalada Tehran, ka dib markii Iran ay gantaaladii ugu badnaa ku weerartay Israel.

Dowladda Iran ayaa xalay fiidkii ku dhawaad laba boqol oo gantaal ku weerartay gudaha Israel, ka dib muddo ay ka gaabineysay inay ka aargudato fara-gelintii Israel ay dhammaadkii bishii July ku soo sameysay dalkeeda, markaas oo Caasimadda Tehran ay ku dishay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas ee Falastiin, Ismail Haniyeh oo booqasho ku joogay Tehran.

Iran waxay sheegtay in weerarkaasi ay ugu aargudeysay Hoggaamiyeyaashii Xamaas, Xisbullah iyo Saraakiisha kale ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ay Israel ku dishay meelo ka mid ah Bariga Dhexe.

Dadweyne aad u fara-badan ayaa ka qayb qaatay bannaanbaxa ka dhacay waddooyinka Tehran, waxayna wateen Calamada Iran iyo Xisbullah, sidoo kalena qaarkood ayaa watay sawirka Hoggaamiyihii Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah, kaas oo Jimcihii lagu dilay duqayn ay Israel ka gaysatay koonfurta Magaalada Beirut.

Dadweynaha ayaa markii dambe isugu soo uruuray bannaanka barxadda Safaaradda Britain, waana isla goobtii uu dabaaldeg la mid ah ka dhacay bartamihii bishii April, markaas oo Iran ay gantaalo iyo drones ku weerartay Israel. Iran waxay xilligaasi ka aargudaneysay weerar ay Israel April 1-deedii ku qaadday Xarunta Qunsuliyadda ay ku leedahay Magaalada Dimishiq.

Weerarkii xalay ay Iran ka gaysatay Israel ayaa ka weynaa midkii ay April ku qaadday.

Dhanka kale dibadbaxyo kale oo lagu taageerayo weerarkii xalay ayaa ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto iyo weliba Magaalada Baghdad ee dalkaasi Ciraaq.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in 181 gantaal lagu soo weeraray Israel, inkastoo aysan faah faahin goobaha la beegsaday. Muuqaalo lagu baahiyay barraha bulshada ayaa laga arki karay gantaalada Iran oo ku hoobanaya magaalooyin ay ka mid yihiin Tel Aviv iyo Jerusalem.

Warbaahinta Iran ayaa ku warantay in gantaalada ay sagaashan boqolkiiba (90%) haleeleen bartilmaameedkoodii saxda ahaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa sheegay in Tehran ay beegsatay oo keliya saldhigyada ciidamada.

Israel ayaan illaa iyo hadda sheegin cid wax ku noqotay weerarkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *