Ciyaaryahanka lagu magacaabo Mesut Ozil ayaa ku biiray xisbiga talada Turkiga haya ee AK Party, ku guuleystihii Koobka Adduunka sanadkii 2014kii ee guushaas la gaaray Xulka Jarmalka ayaa dib ugu laabtay dalkiisa asal ahaanta uu kasoo jeedo.
Ozil oo muddo dheer cadaadis saarnaa kaddib markii Dowladda Shiinaha uu ku dhaliilay muslimiinta ay dhibaatada ku hayaan ayaa u wareegsada horyaalka Dalkiisa asalka ah ee Turkiga oo ugu dambeyn siyaasadda kasoo galay.
Marar badan oo uu horay ula kulmay xiligiisa ciyaaraha Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxa uu ku sheegay in uu taageero siyaasadda Madaxweynahaas isaga oo iska fogeeyay in uu ka dhaxeeyo xiriir dhow.
Ciyaaryahankaan ayaa usoo dheelay Kooxaha kubadda Cagta ee Real Madrid, Arsenal & Fenerbahce, waxa uu soo xirta funnaanadda Xulka Qaranka Jarmalka isaga oo kula guuleystay Koobkii Adduunka ee Brazil lagu qabtay.
Arrinta aadka loo hadal hayo waa in uu hadda kahor markii la eedeeyay sanadkii 2018kii oo Koobka Adduunka lagu qabtay Ruushka ay ku oriyeen Taageerayaasha Jarmalka ay ku qaylinayeen in uu Ozil yahay Turki.
Mar uu aamusnaanta ka baxay kana falceliyay arrintaas waxa uu sheegay in marka uu guuleysto uu yahay Jarmal balse kolka ay guuldareystaan uu yahay Turki taasina ay tahay abaal dhac tii ugu xumeyd sida uu hadalka u dhigay.