XOGTA KULAN KU SAABSAN MAQAAMKA MUQDISHO OO MAANTA DHACAY.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Maxamed Axmed Amiir.

Kulankaan oo ahaa midkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan labada masuul ayaa isbarasho kadib waxaa looga hadlay maqaamka Muqdisho, si ay dadka caasimadda u helaan metelaad dhab ah.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ugu hambalyeeyay xilka guddoomiyanimo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiye Aadan Madoobe.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha uu kula dardaarmay duqa Muqdiaho inuu xooga saaro sidii shacabka caasimadda ay u heli lahaayeen adeegyada ay xaqa u leeyihiin oo ay dowladda uga baahan yihiin.

Maamulka gobolka oo qoraal kasoo saaray kulankan ayaa waxaa lagu yiri “Kulanka ayaa waxaa looga hadlay meel-marinta maqaamka caasimadda iyo sidii bulshada gobolka Banaadir ay u heli lahaayeen matalaad siyaasi ah oo la mid ah dowlad goboleedyada xubnaha ka ah DFS.”

Duqa Muqdisho ayaa guddoomiyaha uga warbixiyay qorsheyaasha hortabinta u leh maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar oo ay ugu horeyso qabsoomida doorashooyinka goleaasha deegaanka, isagoona ka codsaday sidii uu baarlamaanka u meel-marin lahaa cutubyada dastuurka ee ku xusan maqaamka caasimadda iyo matalaada siyaasadeed ee gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *