Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni ee labada dal, iyada oo ay qeyb ka tahay ladagaallanka argagixisada, kordhinta tababarada iyo taageerada Dowladda Talyaaniga ay siiso Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaa laga hadlay doorka Dowladda Talyaaniga ee ku aaddan horumarinta howlaha booliska iyo xaqiijinta nabadgelyada gudaha Soomaaliya.
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Janaraal Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda uu kordhiyo kulamada uu la yeelanayo Wakiilada Beesha Caalamka, isaga oo kala hadli doona baahiyaha ay qabaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.