Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel oo sheegay inaanan la joojin doonin dagaalka Xisbullah.

Israel Katz, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa xoojiyay diidmada maamulka, ee ah inaanan la joojin doonin dagaalka ka dhanka ah Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, ka dib soo jeedintii Mareykanka iyo Faransiiska ee ku saabsaneyd in xabad joojin laga sameeyo xuduudda labada dal.

Wasiirka ayaa Dowladaha Mareykanka iyo Faransiiska ku gacan seyray in xabad joojin laga sameeyo xuduudda, isagoona ku goodiyay inaysan qaadan doonin wax xabad joojin ah, illaa laga xaqiijinayo yoolkooda dagaalka.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan si xoog leh ula dagaalano kooxda argagixisada ah ee Xisbullah, illaa laga xaqiijiyo in shacabkayagii qaxay ay dib uga soo laabtaan guryahooda.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiir Katz oo hadda ah Kusimaha Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa adkeeyay in hawlgalka jiidda waqooyi uu sii socon doono.

Katz ayaa iska leh go’aanka ugu dambeeya ee hawlgalka, illaa iyo inta uu shaqada kaga soo laabanayo Raysal Wasaare Netanyahu.

Khamiistii, war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu ayaa ciidamada lagu faray inay si qoto dheer u beegsadaan kaabeyaasha Xisbullah.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant iyo Taliyaha Ciidamada, General Herzi Halevi waxay labaduba sheegeen inay suurtagal tahay in la qaado weerar dhinaca dhulka ah.

Ciidanka Cirka Israel ayaa 23-kii bishan bilaabay inay xagga cirka ka garaacaan kaabeyaasha militari ee Xisbullah, si Israeliyiintii barakacay ay guryahooda waqooyiga Israel dib ugu soo laabtaan.

Mareykanka ayaa Israel ku booriyay inay diiradda saarto wada-xaajoodyada diblomaasiyadda, bedelkii ay kordhin lahayd dagaalka Xisbullah, ayna uga sii dari lahayd xiisadda gobolka.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Netanyahu uu markii hore aqbalay hindisaha muddada 21-ka maalmood xabad joojinta looga sameynayo xudududa labada dal, balse uu ka laabtay, ka dib culeys uu kala kulmay Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan xukuumaddiisa.

Paris iyo Washington ayaa Arbacadii soo jeediyay qorshaha xabad joojinta ku-meel-gaarka ah, si fursad loo siiyo dadaalada diblomaasiyadda, ka dib maalmo duqaymo dhimasho badan sababay oo Israel ay ka gaysatay dalka Lubnaan.

Antony Blinken, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in dagaalku aanu xal u noqon karin in shacabkii labada dal ee barakacay ay ku soo noqdaan guryahooda.

Walaaca caalamiga ah ee hadda jira ayaa ah in uu dagaal fool ka fool ah uu ka qarxo xuduudda, haddii Ciidamada Israel ay isku dayaan inay u tallaabaan dhinaca Lubnaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *