Ciidanka Nabad Ilaalinta QM ee Lubnaan oo halis wajahaya.

Wararka ka imanaya dalka Lubnaan ayaa sheegaya in ay cabsi xoog leh soo wajahday Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Lubnaan (UNIFIL) ee ku sugan aagga xuduudda ee Lubnaan iyo Israel.

Ciidanka UNIFIL ayaa dhexda uga jira gantaalaha xoogan ee isaga gudbaya xuduudda, iyagoona mar kasta halis ugu jira inay ku dhintaan amaba ay ku dhaawacmaan duqaymaha Israel, oo ah kuwo aan loo meel dayeynin.

Warbaahinta gobolka ayaa sheegeysa in mararka qaarkood ay gantaalaha ku soo dhacayaan aagga khadka buluugga ee xuduudda, oo ah goobta ay ku sugan yihiin Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey.

Hawlgalka Qaramada Midoobey ee dalka Lubnaan ayaa codsaday in la dejiyo xiisadda Israel kala dhaxeysa Ururka Xisbullah.

Taliska UNIFIL ayaa sidoo kale muujiyay walaaca ay ka qabaan badqabka dadka rayidka ah ee ku sugan koonfurta Lubnaan.

Taliska ayaa sheegay in Taliyaha Hawlgalka UNIFIL, General Aroldo Lázaro uu la xiriiray labada dhinac, isla-markaana uu kala hadlay baahida degdegga ah ee loo qabo in hoos loo dhigo xiisadda.

“Xaaladdan khatarta ah oo sii korodha waxay yeelan kartaa cawaaqib xumo.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska UNIFIL.

Warka ayaa lagu sheegay “Weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah waxay xadgudub ku yihiin sharciga caalamiga ah, waxay sidoo kale noqon karaan dembiyo dagaal.”

Diblomaasiyiinta shisheeye ee ku sugan Bariga Dhexe ayaa laga soo xigtay in khatarta jirto ay keeni karto in dagaalku uu fido, haddii aysan diblomaasiyaddu shaqeyn.

Diblomaasiyiin aan magacyadooda la sheegin ayay Warbaahinta caalamka iyo tan gobolkaba ka soo xiganeysaa in heerka khatarta ay gaartay meeshii ugu sarreysay, tan iyo 8-dii bishii October oo Israel iyo Xisbullah ay ku lug lahaayeen gantaalaha isaga gudba soohdinta labada dal.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa qiray in dhacdooyinka ka jira xuduudda ay dhabaha u xaarayaan in xaaladdu ay faraha ka baxdo.

Afhayeenka ayaa qaba in colaadda labada dhinac lagaga gudbi karo, dhinacyada oo khilaafkooda ku xaliya wada-xaajood diblomaasiyadeed.

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah ayaa Khamiistii sheegay in dawada xiisadda gobolka ay tahay in la joojiyo dagaalka Israel ka waddo Marinka Gaza, taasoo ay Tel Aviv ka biyo diidan tahay.

Israel ayaa ku gorgortameysa, haddii la doonayo inay qaadato heshiiska xabad joojinta Gaza in ay Xamaas aqbasho in Ciidamada Israel ay sii joogaan Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ee ku taala xadka Marinka Gaza iyo Masar.

Israel ayaa sumcad xumo u aragto in ciidamadeeda ay ka soo saarto Marinka Gaza, iyadoo aan laga adkaan Ururka Xamaas amaba aysan jirin shuruudo ay ciidamada qaybtood ku sii joogi karaan dhulka ay colaaddu halakeysay. Xamaas waxay dhankeeda ku adkeysanaysaa inay diyaar u tahay oo keliya in ay dhaqangeliso xabad joojin ka madaxbannaan shuruudo cusub.

Dagaalka Gaza oo sanad ku dhow ayaynaan Israel illaa iyo hadda xaqiijin saddexdii hadaf ee ay ugu duushay dhulka go’doonsan.

Israel ayaa Gaza ugu duushay in la wiiqo cududda militari ee Xamaas, dib u soo celinta Israeliyiintii lagu qafaashay weerarkii October 7-deedii iyo inaysan Gaza mustaqbalka khatar amni ku noqon Israel.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *