Shacabka waqooyiga Israel oo dareemay saamaynta weerarada Xisbullah.

Xoogaga Xisbullah ayaa duqayn xoogan ku haya deegaanada waqooyiga Israel, iyagoona u muuqdo kuwo duqaymahooda ku ballaarinaya waqooyiga Israel oo dhan.

Wararka ayaa sheegaya in gantaalaha Xisbullah ay qaarkood ka baxsanayaan nidaamka difaaca hawada ee Israel ee loogu talagalay inay gantaalaha ka hortaggaan.

Xoogaga Xisbullah ayaa si tiro beel ah gantaalaha ugu garaacaya Saldhigyada Ciidamada Israel, meelaha la beegsadayna uu ka mid yahay Saldhigga Ciiidanka Cirka ee Ramat David oo 20km u jira Magaalada Haifa.

Xoogagan ayaa la sheegaya in ay adeegsanayaan gantaalahooda ridada dheer iyo weliba drones-ka is qarxiya, iyagoo ka falcelinaya weerarada xagga cirka ee ay Israel kordhisay.

Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in duqaymaha Xisbullah ay baqdin badan ku hayaan shacabka ku dhaqan dhammaanba dhulka waqooyiga.

Wargeyska The Times of Israel ayaa qoray in seeriga digniinaha laga maqlayo magaalooyin ay ka mid yihiin Haifa, Safed, Nazareth, Yokne’am iyo weliba guud ahaan Gobolka Galilee.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in shacabka Israel ay qaadi la’yihiin godadka amniga ee dhulka hoostiisa laga sameeyay, si ay uga baxsadaan gantaalaha ka soo dhacaya dhinaca koonfurta Lubnaan. Shacabka ayaa la sheegaya in ay ka bateen goobaha gantaalada laga galo.

Dhanka kale Taliska Militariga Israel ayaa xalay sheegay in Talaadadii ay in ka badan 300 oo gantaal kaga soo dhaceen koonfurta Lubnaan, laguna soo weeraray waqooyiga Israel.

Raadiyaha Ciidamada Israel ayaa mar dambe ku waramay in illaa 400 oo gantaal ay shalay illaa xalay lagu soo weeraray waqooyiga Israel.

Militariga Israel ayaa sheegay inay weerar ballaaran ku hayaan Dooxada Bekaa ee bariga Lubnaan. Militarigu waxay sheegeen inay beegsadeen kaabeyaasha dhaqaalaha ee Xisbullah, oo sida ay sheegeen loo isticmaalayay in lagu kaydiyo hubka.

Dagaalka xuduudaha jabsaday ee u dhaxeeya Xisbullah iyo Israel ayaa si weyn u saameeyay shacabka koonfurta Lubnaan iyo kuwa waqooyiga Israel.

Inkastoo dagaalkoodu uu illaa iyo hadda ku egyahay gantaalaha isaga gudbaya xuduudda labada dal ayaa gaysanaya khasaare naf iyo maalba leh.

Dhinaca Israel waxaa cad inay qarineyso khasaaraha ay gaysanayaan gantaalada Xisbullah, taasi bedelkeeda Dowladda Lubnaan waxay xaqiijisay in duqaymihii Isniintii iyo Talaadadii ee ka dhacay dalkaasi ay ku dhinteen 569 qof oo dad shacab ah, halka 1,835 kalena ay ku dhaawacmeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *