Israel oo ka digtay in militarigeeda ay adeegsadaan awood dheeri ah.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa ku goodiyay in Israel ay sii wadi doonto hawlgalada ka dhanka ah Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta dalka Lubnaan.

Wasiirka ayaa sheegay in Xisbullah ay hadda dareentay sida uu yiri mid ka mid ah awooddeenna, ka dib weeraradii Talaadadii iyo Arbacadii lagu qarxiyay qalabka isgaarsiinta ee Xisbullah iyo aaladaha kale ee ay isticmaalaan shacabka dalkaasi.

Wasiirka oo booqday Xarunta Taliska Ciidanka Cirka Israel, soona hadal qaaday duqayntii aan caadiga ahayn ee Xisbullah shalay ka gaysatay deegaanada waqooyiga Israel ayaa ku hanjabay in taasi ay keeni doonto in Tel Aviv ay jawaab adag ka bixiso.

“Israel waxay sii wadi doontaa hawlgalada ka dhanka ah Xisbullah, illaa kooxda argagixisada ay ka ogolaaneyso in dadka barakacayaasha ah ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.” Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Israel.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa waxa uu yiri “Tallaabooyinkani way sii socon doonaan illaa aan ka gaarno xaalad aan si ammaan ah guryahooda ugu soo celino dadka degan waqooyiga.”

Wasiir Gallant ayaa intaasi raaciyay “Waxaan samayn doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah, si aan tani u xaqiijino.”

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Israel, General Herzi Halevi oo isna booqday Saldhigga Ciiidanka Cirka Tel Nof ee bartamaha Israel ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan Xisbullah, haddii ay is hortaag ku sameyso qorshaha ay damacsan yihiin in ay Israeliyiinta dib ugu soo celiyaan guryahooda waqooyiga.

“Waxaan si badbaado leh ugu celin doonnaa guryahooda dadkii qaxay, haddii Xisbullah aysan weli fahmin tan, waxay yeelan doontaa dharbaaxo kale, illaa ay ka fahmaan.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray “Weeraradeennu way kordhi doonaan.”

Taliyaha ayaa ka digay in Israel ay adeegsan doonto awood dheeri ah, waana xilli sida uu sheegay ay Israel diyaargarow weyn ugu jirto weerar iyo difaac, labadaba.

Madaxda Israel ayaa toddobaadkii hore bilaabay inay baahiyaan in ay si xoog ah dadkooda ugu soo celin doonaan waqooyiga Israel. Israeliyiintan ayaa ka cararay deegaanada waqooyiga ee ku dhow dhow xadka Lubnaan, ka dib in ka badan 11 bilood oo Israel iyo Xisbullah ay ku lug lahaayeen gantaalo si maalinle ah isaga gudba xuduudda labada dal.

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah ayaa Khamiistii sheegay inaysan Israel suurtagal u noqon doonin in ay Israeliyiintu ku soo noqdaan waqooyiga, inta uu socdo dagaalka Marinka Gaza.

Nasrallah ayaa ka digay in Israel ay ballaariso dagaalka, haddii kalene ay taasi horseedi doonto in Israeliyiin kale ay oodda jabsadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *