Hooyo iyo Carruurteeda oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, kaas oo ka dhacay Tuulada  Tugaarey oo 25KM dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa ka dhex-dhacay Guri ay deganaayeen dad Shacab ah oo kuyaalla Tuulada Tugaareey, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyootay Gabar Sagaal Sano jir aheyd, halka ay ku dhaawacmeen Hooyadeed iyo Laba Gabdhood oo kale oo la dhashay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in ay maqleen mar qura jugta qaraxa, balse aysan kala cadeyn karin qofka qaraxa keenay Guriga ay ku noolaayeen dadka Shacabka ah, iyada oo dadka ku dhaawacmay qaraxaas la keenay degmada Walanwyen.

Saraakiil iyo Ciidamo katirsan laamaha Amniga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa tegay Guriga uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo baaritaano kale ku sameeyay Guriga, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay wadaan baaritaan dheeri ah oo ku saabsan cidda Guriga gelisay qaraxa

Wararkii ugu dambeeyay e naga soo gaaraya Tuulada Tugaarey oo hoostagta degmada Walanweyn ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda haatan ay tahay mid degan, isla markaana dadka ay wataan howlahooda caadiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *