Xukuumadda Somaliland ayaa shalay shaacisay inay albaabbada u laabtay Maktabadda Dhaqanka ee dalka Masar ee magaalada Hargeysa.
Maktabaddan oo uu ku socday dayactir ayaa waxay ku taallaa meel u dhow Madaxtooyada Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in sababo dhanka ammaanka ah loo xiray maktabadda, isla markaana muddo loo qabtay in shaqaalaha ka shaqeynayay ay isaga baxaan Somaliland.
“Waxaa jira oo dowladda Somaliland ay aqoonsatya walaacyo amni oo halis ku ah qaranka, sidaa darteed wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah waxay go’aansatya in lagama maramaan ay tahay in si joogto ah loo xiro Maktabadda Dhaqanka ee Masar, kuwa ka shaqeeynayana dalka laga saaro muddo 72 saacadood ah,” ayuu yiri Ciise Kayd.
“Go’aankan ma aha mid fudud, laakiin badbaadada muwaadiniinteenna waa mas’uuliyad qaran oo muhiim ah. Waan ognahay Masar hubka ay kusoo daldashay dowladda Muqdisho oo aan aaminsannahay inay waxyeeleyso nabadgelyada iyo xasiloonida mandiqadda,” ayuu yiri.
Dr Ciise Kayd ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhammaaday heshiiskii is afgarad ee badda ee horraantii sanadkan ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya.
Maxay tahay maktabaddan?
Maktabaddan oo haatan uun la doonayay in dib loo furo ayaa waxaa ku socday dhisme. Qalabkii iyo buugaagtii lagu furi lahaa ayaa waxay haataan yaallaan Dekedda Berbera, dhawaan ayaana la filayey in la soo raro, sida uu sheegay mid ka mid ah shaqaalaha oo diiday in magaciisa la shaaciyo.
Shaqaalaha meesha ka shaqayn jiray ee shaqaale ahaanta ugu qoran ayaa gaaraya ilaa shan.
Maxamed Cabdi Daa’uud oo ah taariikhyahan ku nool magaalada Hargaysa ayaa sheegay in markii ugu horreysay ee Masaaridu ay tageen Hargeysa ay tahay qiyaastii bilowgii 1964, iyagoo xilligaas furay madraso bilaash ah.
Maxamed oo qudhiisa mar ka mid noqday ardaydii madrasada ayaa yiri: “Iskuulka muddo ayuu socday ilaa 1969. Waxay sidoo kale sameeyeen maktabad wixii ka dambeeyay 1966 meelahaas, waxayna ka fureen meel u dhow Shaleemadii Qaranka Hargeysa oo ay kireysteen.”
Maktabadda ayaa waxaa markaa magaceeda la oran jiray Maktabadda Islaamiga ah ee Masar, sida uu sheegay Maxamed.
Muddo kadib ayaa maktabadda loo soo wareejiyay meel u dhow madaxtooyada Somaliland, iyagoo dhisme ku waday fooq ilaa labo dabaq ah.
“Filimo af Carabi ah ayaa lagu daawan jiray si bilaash ah, si ay dhalinyarada usoo jiitaan. Dhaqan Masaari ah ayay sideen aflaamta, sida dagaallo iyo heesaha iyo qoob ka ciyaarka dalkaas,” ayuu intaa raaciyay.
Maktabaddan oo burburkii Soomaaliya kadib isaga guurtay Hargeysa, ayaa waxaa haatan la doonayay in dib loo furo, iyadoo dhismaha uu ku socday casriyeyn. Somaliland ayaa ku amartay injineerrada iyo shaqaalaha inay degdeg isaga baxaan halkaas.
Maxamed ayaa sheegay in sababta ay Somaliland u xirtay maktabaddan ay u muuqan karto inay tahay “Kolley Masaaridu waxay u janjeertay dhanka midnimada Soomaaliya marka la eego taariikhdoodii hore,”