Dacwaddii loo haystay nin lagu eedeeyey inuu lacag ka dhacay DFS oo la laalay.

Maxkamad federal oo Mareykan ah ayaa laashay kiis dacwadeed ay dowladda Mareykanka kusoo oogtay qareen degan gobolka Maryland, oo ku eedeysnaa inuu dhacay hantida dowladda Soomaaliya.

Jeremy Wyeth Schulman, oo ah 48 jir, ayaa December 2020 lagu soo oogay dacwado la xiriira inuu ku lug yeeshay qorshe si khiyaano ah looga soo qaaday hay’ado maaliyadeed lacag gaareysa 12.5 milyan oo dollar, oo ka mid ah hantida dowladda Soomaaliya, islamarkaana uu boqolaal kun oo dollar siiyay shirkad sharci oo qaadatay in ka badan 3 milyan oo dollar oo lacagtaas ka mid ah.

Dacwadaha loo haystay Schulman ayaa waxaa ka mid ahaa musuq-maasuq banki, been xalaaleyn lacag, iyo lacago si sharci-darro ah la isaga gudbiyey banki.

Si kastaba, garoosre Paula Xinis, oo ah xaakimka maxkamadda federaalka Mareykanka ee degmada Maryland, ayaa Jimcihii shalay laashay kiiska ka dhanka ah Schulman kadib markii ay sidaas codsatay dowladda Mareykanka, oo ka laabatay dacwadda oo soo socota muddo saddex sano ka badan.

Warqadda kasoo baxday garsooraha laguma shaacin sababta ay dowladda Mareykanka u codsatay in kiiska la laalo.

Dacwadda markii hore lagu soo oogay Schulman iyo xubno kale ayaa waxaa ka mid ahaa; in ay isku dayeen inay si sharci-darro ah gacanta ugu dhigaan maamulka boqolaal milyan oo dollar ah oo ka mid ah hantida Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ee taalla bankiyada caalami ah, taasi oo la hakiyey markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

Sida ku xusneyd dacwadda la laalay, Schulman ayaa bankiyadaas u geeyey dokumentiyo lagu sheegay in la been-abuuray, si uu gacanta ugu dhigo maamulka malaayiin dollar oo ah hantida dowladda Soomaaliyeed, intii u dhaxeysay 2010 illaa 2014.

Schulman ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu boqolaal kun oo dollar oo magdhow ah ka qaatay shirkad sharci, taasi oo si aan sax aheyn u qaadatay 3.3 milyan oo dollar oo ka mid ah lacagta dowladda Soomaaliya.

Schulman ayaa horey dowladda federaalka Soomaaliya ugu matalay kiisas dhowr ah, oo ay ka mid yihiin baaritaanka eedeymo musuq-maasuq oo ay soo jeediyeen kooxda QM ee kormeerka Soomaaliya iyo Eritrea (UN Monitoring Group for Somalia and Eritrea).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *